Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey oo la kulmay dhalinyaro tababar uga socdo magaalada Ankara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 25, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta waxa uu magaalada Ankara kula kulmay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiira galinta maalgashiga  Somalia oo tababar la xariira isku xirka Safaaradaha Somalia ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda u yimid Turkiga .

Shaqaalahaan oo tiradooda gaareyso toban shaqaale isla markaana uu kamid ahaa Xoghayaha labaad ee  Safaaradda Soomaliya ee Ankara Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) ayaa waxa uu safiirku kala hadlay halka uu u maraayo tababarkooda iyo hawlaha horyaala ee la doonaayo in ay u qabtaan qarankooda.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Safiirka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in shaqaalahaan loo tababaro isku xirka Safaaradaha Somalia ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda,isla markaana horay aysan u dhicin in tababarkaan ay qaataan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee tababarka qaadanaya oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay inta ay joogaan Turkey ay qaadanayaan tababar wanaagsan, isla markaana ay kasoo bixi doonaan hawsha loo xilsaaray, waxa ay barteena ugu adeegi doonaan dalka iyo dadka Somaliyeed.

Ugu danbeyntii Shaqaalahaan ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa ay magaalada Ankara joogaan maalintii shanaad iyaga oo si wadajir ah u qaadanaya tababarkii loogu soo diray Turkiga waxaana hadda u soo gabagaboobay qeyb ka mid ah tababarkooda iyaga oo la siiyay shahaadadii koowaad ee tababarka.

Waa markii ugu horeysay oo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo dhiirigalinta maalgashiga   loo qabto siminaar nuucaan oo kale ah oo la doonaayo in la iskugu xiro dhammaan safaaradaha ay leedahay Dowladda Soomaaliya ee ku yaala wadamada Caalamka.

safir

qalin jabin

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In