Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada London ayaa lagu qabtay kulan ay ka qeyb galeen bahda Warbaahinta ee ku kala nool qaar ka mid ah wadamada ku yaala qaaradda Europe.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ujeedada kulanka ayaa ku saabsaneyd sidii fikrado iyo talooyin loogu biirin lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee muranku ka dhex taagan yahay.

Kulanka ayaa dhex-dhexaad ka ahaa xal u helista muranka jira ee u dhaxeeya dhinacyada isku heysta hoggaanka bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa waqti dheer galiyay sidii talooyin xal u helis ah loola wadaagi lahaa dhinacyada uu khilaafku ka dhex jiro.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo looga gol-lahaa mideynta bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxaana kulanka laga soo saaray baaq talooyin ah oo ka kooban 5 qodob oo kala ah:

1- In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaala Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama sababin khilaafka ama isku dhac
2- In caasimadda Muqdisho lagu qabto kulan ay ka wada qeyb galaan wakiilo matala dhammaan bahda Warbaahinta dal iyo dibadba.

3- In doorasho cadaalad ah la qabto oo qofka lagu dooranayo aqoontiisa.

4- In ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo doorashaduba ay noqoto mid ka madax banaan dowladda Soomaaliya iyo Ururada siyaasadda.

5- In xilliga doorashada la hakiyo si loo helo waqti lagu saxo khilaafka jira.

Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobo ay si wadajir ah u wada-gaareen ka qeyb galayaasha Kulanka.

1 2 4 5 6 8 33

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka maanta

Next Post

Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Next Post
Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In