Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 3, 2016
in Wararka
0
Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada London ayaa lagu qabtay kulan ay ka qeyb galeen bahda Warbaahinta ee ku kala nool qaar ka mid ah wadamada ku yaala qaaradda Europe.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Ujeedada kulanka ayaa ku saabsaneyd sidii fikrado iyo talooyin loogu biirin lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee muranku ka dhex taagan yahay.

Kulanka ayaa dhex-dhexaad ka ahaa xal u helista muranka jira ee u dhaxeeya dhinacyada isku heysta hoggaanka bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa waqti dheer galiyay sidii talooyin xal u helis ah loola wadaagi lahaa dhinacyada uu khilaafku ka dhex jiro.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo looga gol-lahaa mideynta bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxaana kulanka laga soo saaray baaq talooyin ah oo ka kooban 5 qodob oo kala ah:

1- In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaala Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama sababin khilaafka ama isku dhac
2- In caasimadda Muqdisho lagu qabto kulan ay ka wada qeyb galaan wakiilo matala dhammaan bahda Warbaahinta dal iyo dibadba.

3- In doorasho cadaalad ah la qabto oo qofka lagu dooranayo aqoontiisa.

4- In ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo doorashaduba ay noqoto mid ka madax banaan dowladda Soomaaliya iyo Ururada siyaasadda.

5- In xilliga doorashada la hakiyo si loo helo waqti lagu saxo khilaafka jira.

Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobo ay si wadajir ah u wada-gaareen ka qeyb galayaasha Kulanka.

1 2 4 5 6 8 33

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka maanta

Next Post

Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Next Post
Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In