Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saxafiyiinta Gobolka Bari oo Cabasho ka Muujiyay Cagajuglayn “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saxafiyiinta Gobolka Bari oo Cabasho ka Muujiyay Cagajuglayn “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hanjabaado iyo iskuday xarig oo Maamulka Gobolka Bari Kula Kaco Saxafiyiinta.

Saxafiiyiinta iyo Xarumaha warbaahinta ee ka howgala magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay handaado, cagojuglayn, Shaqo ka hor istaagid iyo iskudayo xarigย  oo maamulka gobolka bari uu kula kacay qaar ka tirsan suxufiyiinta Gobolka ka howlgala ,

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Kullan ballaaran oo dhacay magaalada magaalada oo ay ka qaybgaleen dhammaan suxufiyiinta gobolka bari iyo masโ€™uuliyiinta ururka suxufiyiinu ย Puntland ee MAP ayaa lagu gorfeeyay xaaladda suxufiyiinta, handadaada iyo cagojuglaynta joogtada ah lagu hayo iyo waxyaabo ay suxufiyiintu u arkeen inay dhibaato ku tahay howlahooda, islamarkaana ka hor istaagaya shaqooyinkooda

Guddoomiye K/xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Axmed Welcome ayaa ku tilmaamay hanadadaada , Cagojuglaynta iyo iskuyada xarig ee maamulka gobolka bari uu kula kacayo Saxafiyiinta mid lidi ku ah jiritaanka iyo shaqada suxufiyiinta ka howlgala gobolka.

โ€œ waxaa jira handadaado iyo cagojuglayn si joogto ah uga imaanaya Maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo Yuusuf Maxamed Wacays dhado, ย Waxaa jiray in lagula kacay isku dayo xarig ย ah wariyayaal ka howgala gobolka bari oo ugu dambeeyay Tifaftiraha mareegto Internetka ee Allcarmo Ibraahim siciid Saalax, , Ilaa iyo hadda ma garanayno wuxuu ย u cuskaday xarigaags, Waxaanu ogaanay in xariga uu san ahayn xarig sharciga loo soo marayo, Waxaanuna u aragnaa wax dan kale laga leeyahayโ€ ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Ururka MAP.

Guddoomiye K/xigeenka ururka MAP Waxaa uu sheegay in Saxaafadu aysan u dulqaad dambe u yeelan doonin, islamarkaana ay u arkaan falalka lagu kacayo saxafiyiinta wax sharafdil ku ah mihnadooda saxafadeed,

โ€ Saxafiiyintii Gobolka iyagoo xushmaynaa sharciga iyo qawaaniinta u yaala puntland, iyagoo dhowraya jiritaanka bulshadda iyo Maamulka puntland, in lo ogolaado in ย shaqooyinkooda ay u gutaan si xor iyo hufan, iyagoo cidna aan wax yeelaynโ€ ayuu yiri

Gees kale, Tifaftiraha Website Allcarmo Ibraahim Siciid Saalax oo isna ka hadlay kulan warbaahineedkii ka dhacay magaalada bosaso ayaa ka sheekeeyay jirdil iyo shaqo ka hor istaagid ay kula kaceen Ilaalada Wasiirka Cafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuukeย  oo ย 16kii bishan August, 2015 ย booqanayay degmada carmo ee gobolka Bari

Ibraahim waxaa uu sheegay in Maamulka degmada bari ay ugu yeerayn in tebiyo, qoraalana ka diyaariyo booqashada wasiirka ee xarunta hooyada iyo dhallaanka degmada cari, balse Ilaaladu wasiirku ay ka hor istaageenย  inuu gudahaย  u galo xarunta.

โ€œIlaaladu waxay iga horjoogsadeen inay shaqadaydii wariyonimo inaan guto oo tebiyo booqashada wasiirka,Ilaaladu waxay igu garaaceenย  qoriga baadkiisa,waxay ii gaysteen jirdil, waxaa jugo ay iga soo gaareen qoorta iyo garbahaโ€ ayuu yiri Tifaftire Ibraahim

Tifaftire Ibraahim waxaa kaloo uu sheegay in lagu daweeyay mid ka mid ah cusbitaalada ugu weyn magaalada bosaso, oo uu haysto warqad cadayn ah oo muujinaysa dhawacyadii ย gaaray iyo daawooyinkii la ii qoray.

โ€œ Aniga oo weli ku guda jira inaan la tacaalo nabaradii igu dhacay iyo daaweyntooda,ย  ayaa waxaa la ii sheegay in booliisku dhowr goor xili habeenimo ah ay tageen guriga aan ka deganahay bosaso, islamarkaana warqad amraysa in la i soo xiro la dhigay kontorolaada magaaladaโ€ ayuu yiri Tifafire Ibraahim

Kulanka Warbaahineedka ka dhacay gobolka bari, waxaa kaloo ka hadlay Wariye Axmed muuse Cali (Axmed jookar), Agaasimaha telefishanka Royal tv ee Gobolada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay maamulka gobolka bari uu joojiyo handadaada iyo cagajuglaynta uu ku hayo Saxafiiyiinta

Gabagabadii kulanka,Saxafiiyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta Ururka MAP Waxay si wadajir ah baaq ugu direen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland, Barlamaanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland, Xafiiska u Adeegaha Xuquul insaanka Puntland iyo Hayโ€™adaha ka shaqeeya Xuquuqul insaanka iyo u Qareemida Saxafiiyinta ,Waxayna ka codsadeen inay ka qaybqaataan sidii loo joojin lahaa Handadaada, Cagojuglaynta iyo iskudayada Xarig ee Maamulka gobolka Bari uu kula kacayo saxafiyiinta ka howlgala gobolka Bari.

DSC_0371 DSC_0372 DSC_0373 DSC_0376 DSC_0377 DSC_0379 DSC_0380 DSC_0381 DSC_0382 DSC_0383 DSC_0384 DSC_0385 DSC_0387 DSC_0389 DSC_0391 DSC_0392 DSC_0393 DSC_0394 DSC_0396 DSC_0397 DSC_0398 DSC_0410 DSC_0414 DSC_0420 DSC_0427 DSC_0428

Previous Post

Wasiirka waxbarasha oo ka warbixisay heshiis waxbarasho oo ay la soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar

Next Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah “Dhageyso+Sawirro”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah "Dhageyso+Sawirro"

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In