Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saxafiyiinta Gobolka Bari oo Cabasho ka Muujiyay Cagajuglayn “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 20, 2015
in Wararka
0
Saxafiyiinta Gobolka Bari oo Cabasho ka Muujiyay Cagajuglayn “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hanjabaado iyo iskuday xarig oo Maamulka Gobolka Bari Kula Kaco Saxafiyiinta.

Saxafiiyiinta iyo Xarumaha warbaahinta ee ka howgala magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay handaado, cagojuglayn, Shaqo ka hor istaagid iyo iskudayo xarig  oo maamulka gobolka bari uu kula kacay qaar ka tirsan suxufiyiinta Gobolka ka howlgala ,

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Kullan ballaaran oo dhacay magaalada magaalada oo ay ka qaybgaleen dhammaan suxufiyiinta gobolka bari iyo mas’uuliyiinta ururka suxufiyiinu  Puntland ee MAP ayaa lagu gorfeeyay xaaladda suxufiyiinta, handadaada iyo cagojuglaynta joogtada ah lagu hayo iyo waxyaabo ay suxufiyiintu u arkeen inay dhibaato ku tahay howlahooda, islamarkaana ka hor istaagaya shaqooyinkooda

Guddoomiye K/xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Axmed Welcome ayaa ku tilmaamay hanadadaada , Cagojuglaynta iyo iskuyada xarig ee maamulka gobolka bari uu kula kacayo Saxafiyiinta mid lidi ku ah jiritaanka iyo shaqada suxufiyiinta ka howlgala gobolka.

“ waxaa jira handadaado iyo cagojuglayn si joogto ah uga imaanaya Maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo Yuusuf Maxamed Wacays dhado,  Waxaa jiray in lagula kacay isku dayo xarig  ah wariyayaal ka howgala gobolka bari oo ugu dambeeyay Tifaftiraha mareegto Internetka ee Allcarmo Ibraahim siciid Saalax, , Ilaa iyo hadda ma garanayno wuxuu  u cuskaday xarigaags, Waxaanu ogaanay in xariga uu san ahayn xarig sharciga loo soo marayo, Waxaanuna u aragnaa wax dan kale laga leeyahay” ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Ururka MAP.

Guddoomiye K/xigeenka ururka MAP Waxaa uu sheegay in Saxaafadu aysan u dulqaad dambe u yeelan doonin, islamarkaana ay u arkaan falalka lagu kacayo saxafiyiinta wax sharafdil ku ah mihnadooda saxafadeed,

” Saxafiiyintii Gobolka iyagoo xushmaynaa sharciga iyo qawaaniinta u yaala puntland, iyagoo dhowraya jiritaanka bulshadda iyo Maamulka puntland, in lo ogolaado in  shaqooyinkooda ay u gutaan si xor iyo hufan, iyagoo cidna aan wax yeelayn” ayuu yiri

Gees kale, Tifaftiraha Website Allcarmo Ibraahim Siciid Saalax oo isna ka hadlay kulan warbaahineedkii ka dhacay magaalada bosaso ayaa ka sheekeeyay jirdil iyo shaqo ka hor istaagid ay kula kaceen Ilaalada Wasiirka Cafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke  oo  16kii bishan August, 2015  booqanayay degmada carmo ee gobolka Bari

Ibraahim waxaa uu sheegay in Maamulka degmada bari ay ugu yeerayn in tebiyo, qoraalana ka diyaariyo booqashada wasiirka ee xarunta hooyada iyo dhallaanka degmada cari, balse Ilaaladu wasiirku ay ka hor istaageen  inuu gudaha  u galo xarunta.

“Ilaaladu waxay iga horjoogsadeen inay shaqadaydii wariyonimo inaan guto oo tebiyo booqashada wasiirka,Ilaaladu waxay igu garaaceen  qoriga baadkiisa,waxay ii gaysteen jirdil, waxaa jugo ay iga soo gaareen qoorta iyo garbaha” ayuu yiri Tifaftire Ibraahim

Tifaftire Ibraahim waxaa kaloo uu sheegay in lagu daweeyay mid ka mid ah cusbitaalada ugu weyn magaalada bosaso, oo uu haysto warqad cadayn ah oo muujinaysa dhawacyadii  gaaray iyo daawooyinkii la ii qoray.

“ Aniga oo weli ku guda jira inaan la tacaalo nabaradii igu dhacay iyo daaweyntooda,  ayaa waxaa la ii sheegay in booliisku dhowr goor xili habeenimo ah ay tageen guriga aan ka deganahay bosaso, islamarkaana warqad amraysa in la i soo xiro la dhigay kontorolaada magaalada” ayuu yiri Tifafire Ibraahim

Kulanka Warbaahineedka ka dhacay gobolka bari, waxaa kaloo ka hadlay Wariye Axmed muuse Cali (Axmed jookar), Agaasimaha telefishanka Royal tv ee Gobolada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay maamulka gobolka bari uu joojiyo handadaada iyo cagajuglaynta uu ku hayo Saxafiiyiinta

Gabagabadii kulanka,Saxafiiyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta Ururka MAP Waxay si wadajir ah baaq ugu direen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland, Barlamaanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland, Xafiiska u Adeegaha Xuquul insaanka Puntland iyo Hay’adaha ka shaqeeya Xuquuqul insaanka iyo u Qareemida Saxafiiyinta ,Waxayna ka codsadeen inay ka qaybqaataan sidii loo joojin lahaa Handadaada, Cagojuglaynta iyo iskudayada Xarig ee Maamulka gobolka Bari uu kula kacayo saxafiyiinta ka howlgala gobolka Bari.

DSC_0371 DSC_0372 DSC_0373 DSC_0376 DSC_0377 DSC_0379 DSC_0380 DSC_0381 DSC_0382 DSC_0383 DSC_0384 DSC_0385 DSC_0387 DSC_0389 DSC_0391 DSC_0392 DSC_0393 DSC_0394 DSC_0396 DSC_0397 DSC_0398 DSC_0410 DSC_0414 DSC_0420 DSC_0427 DSC_0428

Previous Post

Wasiirka waxbarasha oo ka warbixisay heshiis waxbarasho oo ay la soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar

Next Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah “Dhageyso+Sawirro”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ridday xukun dil ah "Dhageyso+Sawirro"

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In