Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib kullamo ay magaaladda Baydhabo kula soo yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maantana dibna ugu soo laabtay Muqdisho ayaa SONNA u sheegay in Golaha Aqalka sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026

“Runtii kullamadii Baydhabo ee aan la soo yeelanay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Ururada Bulshada rayidka sida Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaana kala soo noqonay wada shaqeyn iyo tallooyin wax ku ool ah oo aan ka helnay dadkii aan la kulanay,waxayna ahaayeen dad u baahan wada shaqeynta iyo Dowladnimada,” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda,Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” in ujeedka magaalada Baydhabo u tageen ay ahayd sidii ay ku heli lahaayeen xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo,isagoona carabta ku adkeeyay in nasiib wanaag ay xogtii soo heleen guulna kala soo laabteen safarkoodii Baydhabo.

Ugu danbeyntii,Senator Axmed Nadiir ayaa uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed soo dhoweynta diiran ay magaalada Baydhabo ugu sameeyeen,waxaana ka hor inta aysan wafdiga ka soo ambabixin magaalada Baydhabo kullan sagootin u soo sameeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Previous Post

Xubnaha Aqalka sare oo Baydhabo ku soo gaba-gabeeyay kullamadii ay la la haayeen madaxda Koofur Galbeed+Sawirro

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Next Post
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In