Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib kullamo ay magaaladda Baydhabo kula soo yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maantana dibna ugu soo laabtay Muqdisho ayaa SONNA u sheegay in Golaha Aqalka sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026

“Runtii kullamadii Baydhabo ee aan la soo yeelanay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Ururada Bulshada rayidka sida Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaana kala soo noqonay wada shaqeyn iyo tallooyin wax ku ool ah oo aan ka helnay dadkii aan la kulanay,waxayna ahaayeen dad u baahan wada shaqeynta iyo Dowladnimada,” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda,Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” in ujeedka magaalada Baydhabo u tageen ay ahayd sidii ay ku heli lahaayeen xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo,isagoona carabta ku adkeeyay in nasiib wanaag ay xogtii soo heleen guulna kala soo laabteen safarkoodii Baydhabo.

Ugu danbeyntii,Senator Axmed Nadiir ayaa uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed soo dhoweynta diiran ay magaalada Baydhabo ugu sameeyeen,waxaana ka hor inta aysan wafdiga ka soo ambabixin magaalada Baydhabo kullan sagootin u soo sameeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Previous Post

Xubnaha Aqalka sare oo Baydhabo ku soo gaba-gabeeyay kullamadii ay la la haayeen madaxda Koofur Galbeed+Sawirro

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Next Post
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In