Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda “SAWIRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
Shaqaalahan ka socday waaxyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tabababarka loosoo xiray ayaa tiradooda gaaraysay 20-tan shaqaale oo gabdho iyo wiilal isuga jira.
Tababarkan oo soconayay muddo seddex todobaad ah oo lagu baranayay diyaarinta Miisaaniyadda dowladaha ayaa waxaa maal galinayay Bankiga horumarta iyadoo Ugandana marti galisay, halka fulinteedana lahayd Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Uganda.
Munaasabad kooban oo shahaado lagu gudoon siinayay shaqaalaha tababarka dhamaystay oo ka qayb galeen madax ka socotay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda iyo madax ka socotay Wasaaradda Maaliyadda ee Uganda hadal kooban laga jeediyay ayaa lagu amaanay shaqaalaha in ay ahaayeen shaqaale madax furan oo dhamaan casharadii loo dhigay ka faa’ideystay
Mid ka mid ah shaqaalaha tababarka dhamaystay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta Qaranka xafiiskeeda Kampala ayaa u sheegay in tababarkan uu ahaa mid muhiin ah oo faahfaahino hoose oo miisaaniyadda iyo qaabka documentiyadeeda loo diyaariyo si baratikaal ah usoo barteen.
Maxamed ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay soo booqdeen wasaaradda Maaliyadda qaybteeda miisaaniyadda ay casharo muhiim ah iyana kasoo faa’ideen oo lasoo tusiyay qaabka dowladda Uganda u diyaariso miisaaniyadda dalkeeda.
Lataliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Jibriil Afyare oo munaasabadda shahaado gudoonsiinta ka qayb galay ayaa ugu dardaarmay shaqaalaha in cilmiga ay barteen uga faa’ideeyaan dalkooda oo hada magaciisa ku joogaan Uganda.
Inta badan Uganda ayaa waxaa yimaada shaqaalaha dowladda Federaalka wasaaradaheeda kala duwan iyagoo tababaro shaqadooda ku saabsan ku qaata si kor loogu qaado xirfadooda shaqaalenimo.
Fiidow Maxamuud Fiidow
Kampala Uganda
Previous Post

Wasaaradda Waxbarashadda oo magaalada Gurceel ka dhagax dhigtay degsiga sare ee xanaanada Xoolaha “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Awqaafta XFS oo dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Awqaafta XFS oo dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka+Sawirro

Wasaaradda Awqaafta XFS oo dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In