Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ethiopia ayaa qiratay in ciidankeeda rasaaseeyeen isla markaana ku xireen shaqaale QM ka tirsan gobolka Tigreey, ayagoo ku eedeeyay in ay galeen goobo aan loo ogolaanin amar la’aan.

Redwan Xuseen oo ah afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada gobolka Tigreey ayaa tallaadadii sheegay in gobolka loo ogol yahay in ay galaan shaqaalaha gargaarka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Waxaa uu sheegay in shaqaale ka tirsan QM ay ka gudbeen labo bar kontorool ka dibna isku dayeen in ay dhaafaan mid sadexaad sidaasna lagu rasaaseeyay, isagoo intaas ku daray in shaqaalaha muddo kooban ka dib la sii daayay.

Dhinaca kale, afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in kolonyo QM leedahay oo ay la socdeen affar shaqaale ah kuwaas oo doonayay in ay qiimeeyaan xaaladda gobolka ay la kulmeen is hor istaag ciidanka ah, waxaa uu tilmaamay in kolonyada ay hor u dhac u aheyd gaadiidka gargaarka oo halkaas loogu talagalay.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Ethiopia ayaa heshiis wada saxiixday arbacadii hore ee 29 bishii tagtay, is afgarad ku saabsan in shaqaalaha gargaarka loo ogolaado in ay ka howlgalaan gobolka Tigreey.

Heshiiska ayaa dhigayay in shaqaalaha gargaarka goobaha ay ka howlgali doonaan ciidanka ka war heyn doono hase yeeshee, wali la iskuma afgaran meelihii ay tagi lahaayeen shaqaaha gargaarka.

Wixii heshiiskaas ka dambeeyay, gaadiidka gargaarka sida ayaa ku sugan xuduuda gobolka halkaas oo 6 milyan oo ruux oo gobolka ku nool u baahan yihiin gargaar bani aadanimo, sida ay sheegtay QM.

Sidoo kale, ku dhowaad 96,000 oo qaxooti Eritriyaan ah oo ku jira affar kaam oo ku yaala gobolka Tigreey ayaa kamid ah dadka dhibaateysan.

Shaqaalaha Qaramad Midoobay ayaa lagu rasaaseeyay kaamka Shimelba oo ay ku jiraan qaxootiga Eritrea.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa 28 November, ku dhawaaqay in ciidanka qabsadeen xarunta gobolka Tigreey ee Mekelle, isagoo sheegay in ay socdaan dadaaladii lagu xasilin lahaa xilli wali dagaalada ka socdaan halkaas.

Qiyaastii kumanaan qof ayaa ku dhimatay dagaalka gobolka Tigreey iyadoo ugu yeraan 49, 000 oo qof ku qaxeen dalka Suudaan oo daris la ah gobolka.

Affartii November ayaa ra’isul wasaare Abiy uu ku amray ciidanka in gobolka Tigreey ku qaadaan howlgal uu ugu magac daray soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta ka dib markii TPLF ku eedeeyay in ay weerareen saldhigyada ciidanka militiriga Ethiopia ku lahaa gobolka waqooyiga ee Tigreey.

Previous Post

Guddoomiye Cumar Filish”Waxaan rajeyneynaa in aan la helin qof ku nool gobolkan ee aan wax qorin waxna Akhrin”+SAWIRRO

Next Post

Kulan lagu dhiirrigelinayay maalgashiga shisheeye oo lagu qabtay magaalda Muqdisho”SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu dhiirrigelinayay maalgashiga shisheeye oo lagu qabtay magaalda Muqdisho”SAWIRRO”

Kulan lagu dhiirrigelinayay maalgashiga shisheeye oo lagu qabtay magaalda Muqdisho"SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In