Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay dalkooda dib ugu laabanayaan shaqaalaha diyaaraddii ku soo dhacday Dhawaan Deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada muqdisho.
Wasiir Cabdirisaaq ayaa Xusay in shaqaalahaas ay Dhammaantood Bad-qabaan, iyadoo la filayo inay dalkooda dib ugu laabtaan.
Shaqaalaha diyaaradda oo uu kujiro Duuliyihii Diyaaraddaas ayaa ka kooban lix ruux oo dhamman ka soo jeeda dalka Masar, waxaana lagu wadaa in Waqtiyada Soo socda loo duuliyo dalkooda.
Diyaaradda oo ahayd mid Xamuul ah ayaa dhawaan ku soo dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Nooca Diyaradda oo ahayd Airbus 300 waxa ay ka diiwaan gashaneeyd shirkad laga leeyahay dalka Masar, iyadoo ay xusid mudan tahay in wax qasaare sidaa u badan aanay gaarin diyaaraddaas iyo shaqaalihii saarnaa oo dhammaan Bad-baaday sugayana iminka inay dalkooda dib ugu laabtaan.