Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sharciyadii dadka soo galootiga ah ee Dalka Hungary oo isbedel lagu sameynayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Sharciyadii dadka soo galootiga ah ee Dalka Hungary oo isbedel lagu sameynayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Baarlamaaanka Dalka Hungary ayaa lagu wadaa in uu ka doodoo isbedel cusub oo dhanka sharciga soo galootiga ah,kaasi oo lafilayo in dowladdu ay qorsheynayso in ay horgeysto mudanayaasha Baarlamanaka Dalkaasi.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in tani ay tahay tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaado ra’iisalwasaaraha dalkaasi Viktor Orban oo saddex sano ee la soo dhaafay waday olole ka dhan ah muhaajiriinta sharcidarrada ah oo uu sheegaya in wax laga hortagi karo ayna tahay in laga hor tago,waxaana kamid ah shrcigaasi in la dhimo lacagahja la siiyo dadkaasi.

Sharciyadan cusub ee ka dhanka ah dadka magangelyo doonka ahi ayaa baarlamaanka loo gudbinayaa in kastoo ay jirta xaqiiqada ah in muhaajiriin iyo qaxooti aad u yar ay maalmahan dambe isku dayayeen in ay galayaan dalkaasi Hungary, waxaana yareeyay tirada muhaajiriinta siligga lagu ooday xudduudda koonfureed ee dalkaasi.

Haddii sharciyadaan sidooda lagu ansixiyo, waxa ay sharcidarro iyo dambi ka dhigayaan daabacaadda macluumaadka dadka muhaajiriinta ahi caawin karayo iyo in cunno iyo taageero sharci la siiyo muhaajiriinta.

Dastuurka dalkaasi Hungary ayaa sidoo kale isbadal lagu sameynayaa si looga hortago in muhaajiriinta qoonda ahaanta ugu soo hagaayaya dalkaasi sida uu qabo sharciga qoonda ee qaxootiga magangelyada u soo raadsada dalalka reer.

Mas”uuliyiin ka tirsan xisbi weynaha EPP ee reer Yurub oo u dhashay dalka dalka Jarmalka oo xisbiga Fidesez ee haya talada dalka Hungary uu qeybta ka yahay ayaa dhammaadkii usbuucii hore ku hanjabay in sharcigaasi cusub uu sababai doono in xisbiga Fidesez laga saaro xisbiga EPP ee reer Yurub.

Dalka Hungary ayaa kamid ah wadamada ay maraan dadka magan geliyo doonka ah eek u qulqulaya qaaradda Yurub.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Duufaan xoog leh oo ku dhufatay Gobolka Flodidda ee Mareykanka  

Next Post
Duufaan xoog leh oo ku dhufatay Gobolka Flodidda ee Mareykanka  

Duufaan xoog leh oo ku dhufatay Gobolka Flodidda ee Mareykanka  

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In