Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shariif Xasan oo la kulmay waxgaradka beelo dagaallamay

December 23, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta kulan magaalada Muqdsho kula qaatay Waxgaradka, siyaasiinta iyo  aqoonyannada ka soo jeeda beelo walaalo ah oo uu dagaal ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Kulankan ayaa gogol xaar u ah wada hadallo la damacsan  yahay in lagu dhex-dhexaadiyo beelo isku deegaan ah oo uu dagaal ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ee Somalia, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, kulanka masuuliyiinta iyo dhammaan Waxgaradkii ka soo qeyb-galay waxa ay Shariif Xasan uga mahadceliyeen sida uu dadaalka ugu jiro in dagaalka uu istaago oo walaalnimo iyo wada  hadal wax walba lagu dhameeyo iyagana ay kaalin mug leh ka qaadan doonnaan.

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa Siyaasiinta kulankaasi ka qeyb-gashay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay ugu wada istaagi lahaayeen joojinta colaadda, loona wada qaadan lahaa nabadda iyo midnimada Shacabka si loo badbaadiyo, waxa uuna uga mahadceliyey Shariif Xasan dadaalkiisa arrintaasi ku aaddan.

ugu dambeyntii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay Shabeellada Hoose in ay joojiyaan dagaalka oo ay isu tanasulaan, maamul ahaanna ay waqti badan ku bixin doonaan sidii arrintaasi loo dhameyn lahaa.

 

 

Previous Post

Kooxda Soomaali Fruit oo galabta afka ciidda u dartay kooxda dekadda

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In