Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sannadkii 2020-kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya uu ku jiro keyd Saliid oo ku dhow 30 Bilyan oo Barmiil (Fuusto), oo leh keyd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin. Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido keyd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo, taas oo sida oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

 

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobolada gobolka Galguduud iyo Mudug.

 

Soomaaliya hadda waxay mareysaa meeshii ugu fiicneyd, taasi oo aan tusaale u soo qaadeynaa nabadda iyo xasilooni siyaasadeed ee ka jirta dalka, dowlad hadaad maqasho waa shacab iyo dowlad iskaashaday, iyo dhanka kale waxaa dalka loo sameynayaa shuruuc kala duwan, marka intaasi laga gudbi ayaa waxaa loo tilaabsanayaa in laga faaideyso kheyraadka dalka ku jira.

 

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. “ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ah”.

 

“Maanta oo aan helnay shidaal waxaa loo bahan yahay in laga faa’ideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socda”, ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka, islamarkaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Cumar Maxamed.

 

“Soomaaliya sanadkii 2014-kii ayaa laga sameeyay sahan shidaal oo qiimeyn ah, taasi oo laga bilaabay degmadooyinka Hobyo ilaa iyo Kismaayo, waxaana la ogaaday in dalkeenna uu ku jiro 30 Bilyan oo shidaal ah, ilaa muddadaasi waxaa laga shaqenayay sidii loo soo saari lahaa yo shuruucdii lagu soo saari lahaa, iyadoo sharciga shidaalka la ansixiyay sanadkii 2020-kii”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batrool iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

 

Sahanadaasi ayaa waxaa lagu ogaaday ama la diyaariyay 16 Block ama Xirmo oo Seddex iyo Toban ka mid ah ay tahay gudaha Badda, halka Seddex Xirmo oo ka mid ah ay tahay dhulka, waxaana lagu wadaa in Bish Oktoobar bilowgdeeda in uu dalka iman doona Markab ay dowladda Turkiye leedahay, iyadoo 3 block ama Xirmo oo ka mid ah qaatay, sidii loo sameyn lahaa sahankii qiimeyntii ugu dambeysay, kuwaasi ama Xirmooyinkaasi oo ku yaalla xeebta Mareeg iyo Xarardheere ilaa iyo Hobyo, sahankaasi waxaa lagu sameynayaa ilaa iyo hal bil, kadib waxaa la filaa in Markabkii shidaalka soo saari lahaa oo isna la filaayo inuu yimaado goobahaasi inta u dhaxeya bilaha Janaayo iyo Febraayo, wuxuuna heli doonaa barta Ceelka laga qodayo, si uu u bilaabo qodista iyo soo saarista shidaalka, sida uu sheegay Agaasime Maxamed Xaashi Carabey.

 

“Bisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Shirka Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In