Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin

Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin

Idman Yahye by Idman Yahye
2 years ago
in Wararka
0
Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa’iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareysay fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah,isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Afhayeenku waxa uu ku baaqay in  Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka.

10-kii Agoosto ee ayeey aheyd markii  militariga Israa’iil ay weerareen dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux.

Cambaareynta Shiinaha ayaa imaaneysa xilli Israel ay dishay ugu yaraan 10 qof ,kadib kolkii ay weerareen guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay.

Previous Post

Maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka oo ka wada tashanaya maqaamka Caasimadda

Next Post

SAWIRRO: Doodaha Madasha Hormarinta Soomaaliya 2024-ka, maalintii labaad oo diirada lagu saarayo daraasado lasoo bandhigay.

Next Post
SAWIRRO: Doodaha Madasha Hormarinta Soomaaliya 2024-ka, maalintii labaad oo diirada lagu saarayo daraasado lasoo bandhigay.

SAWIRRO: Doodaha Madasha Hormarinta Soomaaliya 2024-ka, maalintii labaad oo diirada lagu saarayo daraasado lasoo bandhigay.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In