Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Amniga Looga Hadlayay Wasiirana ay ka qeyb galeen Oo Caawa Xarunta Nabad Sugida Ka Dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani oo looga hadlayay arrimo la xiriira ammaanka  magaalada  Muqdisho iyo gobolada dalka oo goor dhow ku soo gaba gaboobay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay arrimo la xiriira dar dar galinta howlaha amni sugida iyo howlgaladii maal mihii la soo dhaafay hey’adaha Ammaanka ay ka wadeen dalka iyo natiijooyinkii laga gaaray.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyo saraakiil ka socotay ciidamada Amisom, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo shirkaasi uu ka dhacay Xarunta hey’adda Nabad sugida Qaranka.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga dalka iyo dar dargalinta howlgalada lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab oo waayihii ugu dambeeyay la kulmayay dharbaaxooyin kulul oo kaga imaanayay ciidamada qalabka, waxaana wasiiradii ka qeyb galay ay bogaadiyeen howlgaladaasi.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare  (Cumda) ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Bogaadinta Wasiirada Ee Howgalada ay Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho ,waxaana uu balan qaaday in ay sii socon doonaan inta amaanka bulshada laga Xaqijinayo sida Warbaahinta Qaranka uu u sheegay  Afhayeenka Hey’adaha Ammaanka Dalka Maxamed Yuusuf Cusmaan.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In