Wararka aanu ka helayno wariyaha Sonna ee nooga soo waramaya Goobtii lagu qabtay Munaasabadda dhaarinta Xidhibaanada labada aqal ee B.F ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay , waxaana kadib Xubnaha la dhaariyay doorteen Shir gudoonka ku meel gaarka ah ee labada aqal, waxaa loo doortay labada xildhibaan ee ugu da’da weyn Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.
Guddoomiyaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ayaa munaasabada dhaarinta Xildhibaanada ka sheegay in wixii hada ka dambeeya shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.
Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raagge oo laga soo doortay Hirshabeelle ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare.
Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada Gudoomiyaasha labada aqal.
Si kastaba ha ahaatee Shir-guddoonaka cusub ee Labada aqal ayaa howsha la wareegi doona, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee labada Aqal.