Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir horumarinta Tamarta wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka socda+Sawiiro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shir horumarinta Tamarta wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka socda+Sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay unuga isku xirka daneeyeyaasha arrimaha Tamarta Soomaaliya, oo wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo kuwa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

U jeedada ayaa aheyd, soo bandhigista qorshaha horumarineed ee Tamarta wadanka, iyadoo saraakiisha unuga isku xirka daneeyayaasha arrimaha Tamarta soo bandhigeen qorshe howleedkooda, qaabka ay tahay in looga wada shaqeeyo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo gaar ahaan arrimaha sharciga iyo qeynuunka ah.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026

Shirka oo muddo labo maalin ah la qorsheeyay in uu socodo, ayaa waxaa si weyn looga hadli doonaa hanaanka wada shaqeyneyd ee ku aadan horumarinta Tamarta iyo sidii la isugu dubaridii lahaa dadaalada lagu horumarinaayo Tamarta wadanka, kaas oo ay ku howlan yihiin dhinacyo badan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane C/waaxid Axmed Ibraahim, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku heyso mashaariic badan oo lagu horumarinaayo arrimaha biyaha iyo Tamarta, isla markaana wasaaradaha dowlad goboleedyada ee shaqadooda ku abaaran tahay kala shaqeyn doonaan sidii mashaariicdaas looga miro dhalin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/caziiz Xasan Maxamed oo ku magac dheer Lafta-gareen oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan dhammaan wasaaradaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in loo baahan yahay in looga wada shaqeeyo sidii hal wasaarad oo kale, ayagana dhankooda diyaar ay u yihiin talaabooyinka arrintaas lagu hirgelinaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Mudane Cismaan Libax Ibraahim, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in mudadii ay joogeen xafiiska wasaaradda ay wax badan isku dayeen sidii loo dardargelin lahaa dadaalada lagu horumarinaayo arrimaha Tamarta iyo biyaha oo labada qeybood oo wasaaradu u igman tahay.

Shirka dhanka dowlad goboleedyada waxaa ka qeybgalay, wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Galmudug, Hirshabeele, wasiirkii hore ee Tamarta Jubaland, wasiir ku xigeenka Tamarta ee Koofur galbeed iyo xubno ka socday dowlad goboleedka Puntland.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+ Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In