Daahfurka Masharuuca Maamul dhisidda Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Wasiirka Arrimha Gudaha Koonfur Galbeed, Xogayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrmaha Gudaha Federaalka, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan iyo marti saharaf kale.
Cabdullaahi Cali Watiin Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Sheekh Cali iyo Malaaq Deeraw Yacquub oo ah Afhayeenka odiyaasha Dhaqanka ayaa waxaa si wadajir ah ay u soo dhaweeyeen in ladhiso Gole deegaan oo ay soo dooranayaan shacabka.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Fadaraalka Cabdullaahi Ashaari iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdaladhiif Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sharaxay habraaca doorashooyinka Golaha Deegaanka.
“Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta ee Koonfurgalbeed, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka waxa ay la tashi la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la sameeyay sharuucda dowladaha Hoose, hadaba ujeedka laga leeyahay waa sameynta iyo dhameystirka Gole deegaan oo ay horey u soo yeelatay Degmada Xudur, si taa la mid ah ayaan rabnaa inaan halkan ka sameyno nidaamkaas” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed.
Guddoomiyah Baarlamanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo gabagabadii ka hadlay Daahfurka munaasabadda waxaa uu sheegay in shacabka iyo Dawladda oo wada shaqeeya ay keeni karto Maamul wanaag, loona baahanyahay in qof waliba kaalintiisa uu ka qaato sidii loo dhisi lahaa Maamulkan.
“Sidii dadku jecelyihiin ee 100% ma la heli karo, balse waxaan ku dadaaleynaa oo aan ka codsaneyna Wasiirka in wixii sharciga qabo la sameeyo oo la dhiso maamul ay shacabku soo doorteen, laga bilaabo shirka waa inoo furanyahay ee ku aadan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Mashruucsn Maaul dhisidda Degemooyinka Baydhabo iyo Baraawe oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Heer Federaal tan Koonfur galbed iyo Waliba Hay ada Soomaali one ayaa waa uu qorshuhuu uu yahay in Gole deegaan oo dadku soo doorteen laga hirgeliyo Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo.