Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan horumarinta Beeraha oo Maanta lagu soo gaba-gabeynayo Muqdisho+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Shir ku saabsan horumarinta Beeraha oo Maanta lagu soo gaba-gabeynayo Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo Shalay Muqdisho ka furtay Shirka wadatashiga horumarinta siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in Maanta lasoo gaba-gabeeyo.

Shirka oo laba Maalmood soconayay ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Kulanka  ayaa lagu falanqeeyay  u jeeddada laga leeyahay dejinta siyaasadda lagu horumarinayo iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kale ay ka qeyb galayaashu is weydaarsadeyn doodo iyo fikrado ku saabsan wax ka beddalka iyo wax ku daridda sharcigan, xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta wax soo saarka Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya mudane; Xaamud Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda Beeraha iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaliyeed oo uu tilmaamay in ay Dalka muhiim u yihiin.

Maxamuud Abiikar, oo ku hadlay Magaca iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharcigan aqrin doonaan isla markaana ay u kuurgeli doonaan waxyaabaha wax ka beddalka u baahan iyo hadii ay jiraan qodobbo lagu daro  sharcigan.

Professor; Yaxye Yuusuf Xaaji, oo ah qoraaga sharcigan ayaa sheegay in siyaasadda iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed ay faa’iido weyn u  leedahay Dalka maadaama ay muhiim u tahay wax soo saarka Beeraha iyo in la gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Previous Post

Waxgaradka Soomaaliyeed oo ka hadlay kullankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii hore ee dalka soo martay

Next Post

21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Next Post
21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In