Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkaan oo goordhow furmaya waxaad si toos ah ugala socon doontaan Warbaahinta Qaranka.