Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa Magaalada Mazara del Vallo ee dalka Talyaaniga kaga qeybgalay shir looga hadlaayay dhaqaalaha Buluuga ah iyo sidii looga sameyn lahaa horumarka joogta ah.
Inta shirka uu socday waxaa la qabtay doodo ku saabsan dhaqaalaha Buluuga ah iyo sida ay kaga faaโiideysan karaan bulshooyinka ku nool wadamada xeebaha leh ee Afrika.
Waxyaabaha diirada lagu saaray waxaa ka mid ah.
Joojinta Xaalufinta kheyraadka badda, ka hortagga ka faaโiideysiga sharci darada ah, wasaqeynta Biyaha, Isbedelka Cimilada iyo luminta noolaha Badda, iyo Muhiimada ay dalalka Afrika ee xeebaha leh ay u leedahay.
Wasiir Cali Ifiye, ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay sida ay Xukuumadda Dan Qaran kaga goโan tahay horumarinta iyo ka faaโiideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.
Mas’uuliyiintii uu la kulmay waxa uu kala hadlay sida ay muhiim u tahay maalgashiga Soomaaliya iyo taageerada la xiriira ka faaโiideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.
Shirka, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socday dowladaha kala ah Kenya, Uganda, Tunisia, Mauritania iyo dowladda Talyaaniga oo shirka marti gelisay.
Wasiir Cali Ifiye waxaa shirka kala qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal.