Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlaayo Maalgashiga Soomaaliya oo maanta Nairobi ka furmay

March 8, 2015
in Wararka
0
Shir looga hadlaayo Maalgashiga Soomaaliya oo maanta Nairobi ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan Caalamiga ah oo looga hadlaayo Maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya iyo Shirkadda lagu magacaabo Shuraako, waxaana ka qeybgalay Ganacsato,Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Samafalka waxaana uu maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo sida uu qorshuhu yahay socon doona 3 Maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah ay maalgashi ugu sameynsan lahaayeen Soomaaliya oo hadda ay ka jirto fursado maalgashi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil C/rashiid Maxamed Saciid oo ku magac dheer Cabdirashiid Dahabshiil oo la hadlay VOA-da isla markaana kamid ah ganacsatada ka qeybgashay shirkan ayaa sheegay in shirka ay ka soo qeybgaleen boqolaal ganacsato Soomaali iyo Ajaaniib ah kuwaas oo danaynaya in ay ka faa’ideystaan fursadaha maalgelineed ee Soomaaliya.

“Shirkan inta uu socdo waxaa la kala saxiixan doonaa heshiisyo maalgashi, waxaa jooga waa ganacsato iyo maalgeliyiyaal wax siyaasad ah kuma jirto” waxaa yiri C/rashiid Dahabshiil.

C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed oo shirka ka qeybgalaysa ay intooda badan ka yimaadeen dalka inkastoo ay jiraan kuwo ka kala yimid Wadamada kale ee Caalamka, waxaa sidoo kale jira ganacsato Ajanabi ah oo shirkan lagu casuumay.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshii C/rashiid Dahabshiil ayaa ugu dambeyntii sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo dowladda Mareykanka ay qabato shir maalgashiga Soomaaliya looga hadlaayo, waxayna taasi tusaysaa sida dalka Soomaaliya horumar u sameynaayo.

Previous Post

Kulan sagootin ah oo loo sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qeybgalaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo  qeybgalaya  Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qeybgalaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In