Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka saddex-geesood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo looga hadlayo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab iyo kuwa soo laabanaya ayaa lagu qabtay magaallada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee go’aansada in ay dalkooda ku laabtaan, ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, madaxda UNHCR ee Soomaaliya iyo Kenya iyo masuuliyiin kale oo ka socda wasaaradaha dowladda ayaa ka qeyb galay shirkaan.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere oo shirkaan furay ayaa soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka isaga oo tilmaamay in Kismaayo iyo Jubbaland ay sharaf u tahay marti galinta shirka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo hoggaaminayay wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirkaan ka qeyb galaya ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la qiimeeyo halka ay marayso dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalbaday in lagu celiyo waddankooda iyo u kuur gelidda xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii lagu soo celiyay degaannada Jubbaland oo ka badan toban kun oo qof.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Joseph   oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Kenya ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay kaalinteeda ku aaddan fulinta heshiiska saddex-geesoodka ah, waxa uu sheegay in ilaa bishii May ee sanadkaan ay dalkooda ku soo laabteen lix iyo toban kun oo qof, kuwaas oo la geeyay goobihii ay doorteen. Waxa uu sheegay in ay caqabado dhinaca tasiilaadka dadka la siinayo ah isaga oo deeq bixiyeyaasha ka dalbaday in ay caawiyaan fulinta heshiiskaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Jen. Darwiish ayaa sheegay in maamulku uu dadka soo noqonayo ka taageerayo dhul ay degaan iyo waliba ammaankooda, hase yeeshee dowladda iyo deeq bixiyeyaasha looga baahan yahay in ay dadka qorshe nololeed u dajiyaan oo aan la dayicin.

Madaxda UNHCR ayaa shirka ka sheegtay in hannaanka dib u celinta qaxootiga doorta in ay dalkooda aadaan ay tahay mid xal dheer u ah xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ka qaxay waddankooda ee ku sugan Dhadhaab, Kenya. Waxa ay sheegeen in tan iyo DEC 2014kii, markii la dhaqan geliyay heshiiskaan ay dad badan go’aansadeen in ay dalkooda ku laabtaan. Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiyaastii 5 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan cunto yaro, deeq bixiyeyaashuna ay la tacaalaan sidii dadkaan loo taageeri lahaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada caalamku ay taageerayso dadka Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo laabanaya sanadaha badan ee Qaxootinimada ah kaddib.

Kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday sida loo xoojin karo taageerada la siinayo dadka soo noqonayo ayadoo ay sidoo kale lala shaqeynayo hay’adaha dowladda iyo kuwa degaanka ee ay quseyso arrintu. Wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada ayaa ka hadlay shirka ayaga oo ka warixiyay adeegyada ay siinayaan dadka soo laabanaya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galayaasha shirka u sheegay in aysan su’aal ka taagnayn in la soo dhaqeynayo dadka Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya 25 sano oo qaxootinimo ah kaddib, hase yeeshee waxa uu sheegay in ay masuuliyad darro noqonayso in dadka la dayaco laakin qorshe shaqeeya loo baahan yahay.

Dadka ugu badan ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa dooranaya in ay degaan degaannada Jubbooyinka iyo Baay, halkaas oo tobannaan kun oo qof ay ku laabteen bilihii la soo dhaafay. Dowladaha degaanka iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku howlan sidii dadkana loo caawin lahaa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo hay’addaha Qaramada Midoobay u qaailsan qaxootiga ee UNHCR ayaa wada galayheshiis saddex- geesood ah oo dib loogu celinayo dalkooda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ee doorta in ay ku laabtaan waddankooda.

IMG_8362 (1) IMG_8366 (1) IMG_8371 IMG_8386 IMG_8391 IMG_8391 IMG_8396 IMG_8412 IMG_8423 IMG_8513

2 3 4 unnamed (1) unnamed

Previous Post

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

Next Post
Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In