Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka saddex-geesood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo looga hadlayo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab iyo kuwa soo laabanaya ayaa lagu qabtay magaallada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee goโ€™aansada in ay dalkooda ku laabtaan, ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, madaxda UNHCR ee Soomaaliya iyo Kenya iyo masuuliyiin kale oo ka socda wasaaradaha dowladda ayaa ka qeyb galay shirkaan.

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

January 27, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere oo shirkaan furay ayaa soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka isaga oo tilmaamay in Kismaayo iyo Jubbaland ay sharaf u tahay marti galinta shirka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo hoggaaminayay wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirkaan ka qeyb galaya ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la qiimeeyo halka ay marayso dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalbaday in lagu celiyo waddankooda iyo u kuur gelidda xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii lagu soo celiyay degaannada Jubbaland oo ka badan toban kun oo qof.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Joseph ย ย oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Kenya ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay kaalinteeda ku aaddan fulinta heshiiska saddex-geesoodka ah, waxa uu sheegay in ilaa bishii May ee sanadkaan ay dalkooda ku soo laabteen lix iyo toban kun oo qof, kuwaas oo la geeyay goobihii ay doorteen. Waxa uu sheegay in ay caqabado dhinaca tasiilaadka dadka la siinayo ah isaga oo deeq bixiyeyaasha ka dalbaday in ay caawiyaan fulinta heshiiskaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Jen. Darwiish ayaa sheegay in maamulku uu dadka soo noqonayo ka taageerayo dhul ay degaan iyo waliba ammaankooda, hase yeeshee dowladda iyo deeq bixiyeyaasha looga baahan yahay in ay dadka qorshe nololeed u dajiyaan oo aan la dayicin.

Madaxda UNHCR ayaa shirka ka sheegtay in hannaanka dib u celinta qaxootiga doorta in ay dalkooda aadaan ay tahay mid xal dheer u ah xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ka qaxay waddankooda ee ku sugan Dhadhaab, Kenya. Waxa ay sheegeen in tan iyo DEC 2014kii, markii la dhaqan geliyay heshiiskaan ay dad badan goโ€™aansadeen in ay dalkooda ku laabtaan. Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiyaastii 5 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan cunto yaro, deeq bixiyeyaashuna ay la tacaalaan sidii dadkaan loo taageeri lahaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada caalamku ay taageerayso dadka Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo laabanaya sanadaha badan ee Qaxootinimada ah kaddib.

Kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday sida loo xoojin karo taageerada la siinayo dadka soo noqonayo ayadoo ay sidoo kale lala shaqeynayo hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa degaanka ee ay quseyso arrintu. Wakiillo ka socday hayโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha baniโ€™aadamnimada ayaa ka hadlay shirka ayaga oo ka warixiyay adeegyada ay siinayaan dadka soo laabanaya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galayaasha shirka u sheegay in aysan suโ€™aal ka taagnayn in la soo dhaqeynayo dadka Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya 25 sano oo qaxootinimo ah kaddib, hase yeeshee waxa uu sheegay in ay masuuliyad darro noqonayso in dadka la dayaco laakin qorshe shaqeeya loo baahan yahay.

Dadka ugu badan ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa dooranaya in ay degaan degaannada Jubbooyinka iyo Baay, halkaas oo tobannaan kun oo qof ay ku laabteen bilihii la soo dhaafay. Dowladaha degaanka iyo hayโ€™adaha gargaarka ayaa ku howlan sidii dadkana loo caawin lahaa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo hayโ€™addaha Qaramada Midoobay u qaailsan qaxootiga ee UNHCR ayaa wada galayheshiis saddex- geesood ah oo dib loogu celinayo dalkooda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ee doorta in ay ku laabtaan waddankooda.

IMG_8362 (1) IMG_8366 (1) IMG_8371 IMG_8386 IMG_8391 IMG_8391 IMG_8396 IMG_8412 IMG_8423 IMG_8513

2 3 4 unnamed (1) unnamed

Previous Post

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

Next Post
Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In