Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoominayay shirka bilaha ah ee horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo lagaga hadlay waxqabadka dowladda, waxaana kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashandiga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirada qorsheeynta maamul goboleedyada, saraakiil katirsan safaaradaha jooga dalka iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay dhismaha maamulka Hirshabeelle, doorashooyinka aqalka sare, dib u eegista miisaaniyadda dalka, iyo tayeeynta shaqaalaha dowladda.
“Waxaan ku guuleeysanay dhismaha maamulka Hirshabeelle si uu horumar iyo nabadgelyo ugu horseedo labada gobol, Waxaan hambalyo u direenaa Maamulka goboleedka Galmudug oo doortay xubnaha aqalka sare oo hirgeliyay qoondadii haweenka, waxaa iyana maanta socoto doorashadii aqalka sare ee labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaana ku kalsoonahay in ay buuxin doonaan qondada haweenka, Waxaan sidoo kale dib u eegis ku sameeynay miisanayadda qaranka taasoo aan ku soo darnay kharashka doorashooyinka’’.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Mudane Maxamed Carteh wuxuu ka hadlay muhiimada uu leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo noqul kiisii ugu dambeeyay la horkeenay shirka.
“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan heysano QHQ muddo ka badan 30 sano kadib oo dowaladda Soomaaliya si aad ah loogu amaanay maadaama wadanka Soomaaliya uu noqday dalki ugu horeeyay ee ku saleeyay qorshahiisa ahdaafta horumarka waara ee SDG, qorshahaan qaran oo muddo sanad iyo badh ah laga soo shaqeeynayay waxaa diyaarintiisa laga talo geliyay Maamul goboleedyada, buslada caalamka iyo bulsahda rayidka; wax aaanu ku kalsoonahay in uu wax weyn ka tari doono horumarka iyo dib u dhiska dalka’’.

RW ku xigeenka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda qorsheeynta sida ay xil isaga saareen diyaarinta QHQ.
“Waxaan ku amaanaynaa Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka dadaalka dheeriga ah ee ay geliyeen diyaarinta QHQ ee 2017-2019, Waxaana la wadaa in la dhameystiro Qorshahan oo ay fulindoonto Xukuumadda dambe’’.

—–DHAMAAD—–

unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6)

 

vlcsnap-2016-10-19-18h50m46s809 vlcsnap-2016-10-19-18h51m15s217 vlcsnap-2016-10-19-18h51m27s242    vlcsnap-2016-10-19-18h52m33s200 vlcsnap-2016-10-19-18h52m45s713 vlcsnap-2016-10-19-18h52m51s815

Previous Post

Deg Deg: Akhriso Xubnaha Aqalka sare ee Koonfurgalbeed u matalaya oo la doortay

Next Post

Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga ka soo laabanaya Kenya oo lagu qabtay Kismaayo "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In