Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay dhameystirka dhismaha cisbitalka degmada Warshiikh oo lagu qabtay dalka Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay dhameystirka dhismaha cisbitalka degmada Warshiikh oo lagu qabtay dalka Sweden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayey dhismaha cisbitaalka degmada Warshiikh ee gobalka Shabeellaha dhexe  iyo sameynta mashaariicyo kale oo horumarineed  ayna ka soo qeybgaleen Jaaliyadda  ka soo jeeddo deegaanno ka tirson Gobalka Banaadir iyo shabeellaha dhexe oo isaga kala yimid  qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa lagu qabtay magaalada
Gothenburg ee caasimadda labaad ee dalka Sweden.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde )  iyo mas’uuliyiin  kale,  waxaana lagu soo soo bandhigay waxqabadka guddiyadii u howlgalay dhismaha cisbitaalka degmada Warshiikh oo iminka gabogabo ah iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga wada
qeybqaato dhameystirka iyo shaqo galinta cisbitaalkaasi oo baahi weyn ay u qabaan hooyada iyo dhallaanka ku nool deegaannada ku xeeran degmada Warsheekh ee gobalka Sh.Dhexe.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa  bogaadiyey waxqabadka muuqda ee jaaliyadda ee dalka Sweden waxa uuna ugu baaqay jaaliyadaha kale in ay is abaabulaan ayna door mug leh ka qaataan dhismaha cisbitaalka iyo mashaariicda kale ee muhiimka u ah bulsha weynta ku dhaqan deegannada Muqdisho, Cadale iyo Warshiikh.

Xubno matalayey jaaliyadaha  Finland, Denmark, Norway Jarmalka iyo Uk, oo goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha cisbitaalkan, waxa ayna muujiyeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin abaabulka iyo isku xirnaanta jaaliyadda waddanka Sweden.

Ugu dambeyntii  shirka oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxaa lagu doortay guddi cusub oo hoggaamin doono sedexda sano ee soo socoto waxaana loo doortay Sayid Cali Macalin Seerjito.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka kulanka todobaadka oo ay marti ku aheyd wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha

Next Post

Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Next Post
Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Eng. Yariisoow "Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In