Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay dhameystirka dhismaha cisbitalka degmada Warshiikh oo lagu qabtay dalka Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay dhameystirka dhismaha cisbitalka degmada Warshiikh oo lagu qabtay dalka Sweden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayey dhismaha cisbitaalka degmada Warshiikh ee gobalka Shabeellaha dhexe  iyo sameynta mashaariicyo kale oo horumarineed  ayna ka soo qeybgaleen Jaaliyadda  ka soo jeeddo deegaanno ka tirson Gobalka Banaadir iyo shabeellaha dhexe oo isaga kala yimid  qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa lagu qabtay magaalada
Gothenburg ee caasimadda labaad ee dalka Sweden.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde )  iyo mas’uuliyiin  kale,  waxaana lagu soo soo bandhigay waxqabadka guddiyadii u howlgalay dhismaha cisbitaalka degmada Warshiikh oo iminka gabogabo ah iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga wada
qeybqaato dhameystirka iyo shaqo galinta cisbitaalkaasi oo baahi weyn ay u qabaan hooyada iyo dhallaanka ku nool deegaannada ku xeeran degmada Warsheekh ee gobalka Sh.Dhexe.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa  bogaadiyey waxqabadka muuqda ee jaaliyadda ee dalka Sweden waxa uuna ugu baaqay jaaliyadaha kale in ay is abaabulaan ayna door mug leh ka qaataan dhismaha cisbitaalka iyo mashaariicda kale ee muhiimka u ah bulsha weynta ku dhaqan deegannada Muqdisho, Cadale iyo Warshiikh.

Xubno matalayey jaaliyadaha  Finland, Denmark, Norway Jarmalka iyo Uk, oo goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha cisbitaalkan, waxa ayna muujiyeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin abaabulka iyo isku xirnaanta jaaliyadda waddanka Sweden.

Ugu dambeyntii  shirka oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxaa lagu doortay guddi cusub oo hoggaamin doono sedexda sano ee soo socoto waxaana loo doortay Sayid Cali Macalin Seerjito.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka kulanka todobaadka oo ay marti ku aheyd wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha

Next Post

Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Next Post
Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Eng. Yariisoow "Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In