Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay ka hortagga dhibaatada Tahriibka oo lagu qabtay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay ka hortagga dhibaatada Tahriibka oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta iyo Machadka Bariga Afrika ee Nabadda loogana hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka tahriibka iyo in fursado shaqo abuur ah loo sameeyo dhallinta tahriibka laga soo celiyo ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle,  Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Hijrada, Soo galootiga iyo xaquuqda carruurta Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Anwar Cabdifataax Bashiir Madaxa fulinta Machadka bariga Afrika ee Nabadda iyo dowlad wanaagga, qaar ka mid ah wakiilada Hay’adaha Caalamiga ah, quburo, aqoonyahano iyo xubno kale oo madasha lagu casuumay.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo daah-furay shirka ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajir looga qeybqaato waxkaqabashada dhibaatooyinka ka dhasha tahriibka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka ayaa hal-ku-dheggiisu ahaa “Sugidda Xalka Waara ee Socdaalka ama dadka tahriiba ee Soomaaliya”. Shirkaan ayaa ku soo beegmaya xili loo baahnaa kuna soo aaday xilli ay Dowlada Soomaaliya ka shaqeynayso barnaamijyo iyo qorshooyin wax looga qabanayo arimaha quseeya tahriibka.

Danjire Jabriil oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri “Waxaa xusid mudan, Soomaaliya waxay dhistay xafiis u gaar ah socdaalka, soo laabashada, iyo xuquuqda carruurta, taasoo calaamad u ah tillaabada muhiimka ah ee loo qaaday dhanka habeynta maamulka socdaalka”

Danjiraha ayaa ku daray “Wadashaqeyntaani waxay ka tarjumeysaa ka go’naanshaha iyo rabitaanka ay Soomaaliya ka go’an tahay in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka dhasha Tahriibka”.

Shirka ayaa inta uu socday Prof soradii ka qeybgalay waxaa ay ku soo bandhigeen Cilmi baarisyo laga sameeyay dhibaatada haysata dadka tahriibka ka soo laabta iyo Hanaanka wax looga qaban karo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Hijrada, Soo galootiga iyo xaquuqda carruurta Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka soo xirtay ayaa tilmaamtay in aragtida cilmi-baarista lagu soo bandhigay madasha ay tixgelin gaar ah siin doonto.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Serbia

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay shirar muhiim ah

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay shirar muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay shirar muhiim ah

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In