Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayey wax ka qabashada diidmada Shilin Soomaaliga oo lagu soo gabagabeeyey Gaalkacyo

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka oo ahaa mid furan oo lagu cabirayey aragtida waxgaradka gobolka ayaa waxaa lagu heshiiyey oo kasoo baxay qodobadan hoose.
1. Shirku waxuu bogaadiyey habka iyo hanaanka ay dawladda Puntland u martay
xakamaynta sicir bararka waxuuna ku booriyey ganacsatada in la qaato oo la socodsiiyo
lacagta shillin Soomaaliga iyadoo loo marayo talo bixintii ay soo saareen guddigii ay
dawladdu u saartay.

2. Shirku waxuu ku amaanay dawladda Puntland ka shaqaynta iyo dadaalka badan ee ay
galiyeen la dagaalanka ka ganacsiga mukhaadaraadka iyo maandooriyayaasha iyadoo in
kastoo laga dareemayo hoos u dhac balaaran ay hadana wali jiraan lagana dareemayo isticmaalka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka taasoo u baahan
in si wada jir ah shacab iyo dawladba wax looga qabto.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Waxa kaloo shirku soo jeediyey in beelaha gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan xalinta
khilaafaadka ka dhasaha dhulalka laysku qabsado taasoo khalkhal galisa amaanka.
3. Shirku waxuu bogaadiyey is dhexgalka dadyowga kuwada dhaqan labada dhinac ee
gobolka Mudug ama labada maamul taasoo keentay inay kororto kalsoonidda iyo is
aaminaada dadka ku dhaqan gobolka.

4. Shirku waxuu soo dhawaynayaa shirka siyaasadeed ee ka qabsoomaya magaaladda
Dhuusamareeb waxuuna u rajaynayaa inay kasoo baxaan qodoba mira dhal ah oo looga
gudbo khilaafka hadda jira, horseedana doorasho laysala ogol yahay, xor iyo xalaal ah
ummadda Soommaliyeedna u horseeda midnimo iyo wadajir.

5. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland gaar ahaan wasaaradda arrimaha
gudaha,dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta inay bilowdo dhismaha golaha
deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka shacabka loogana
baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka socda degmadda
kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doorteen.

6. Shirku waxuu ka codsaday madaxweynaha dawladda Puntland in iyadoo la tixgalinayo
dib u eegista heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaaladda Muqdisho 17kii
September ee kal hore,lana tixgalinayo baaqyo hore oo waxgaradka gobolku u gudbiyeen
madaxwenae Siciid Cabdulaahi Deni kuwaasoo ku aaadanaa in iyadoo laga duulayo
halka ay juquraafi ahaan dhacdo magaaladda Gaalkacyo oo ay kawada dhisan yihiin labo
maamul isla markaana maamul ka mid ahi u asteeyey inay noqoto goob doorasho federal
uu u aqoonsado in doorashooyinka heer federal ee Puntland qaybtood dawladda Puntland
ku qabato magaaladda Gaalacyo si loo ilaaliyo lahaanshaha iyo taariikhda
magaaladda. Shirku wuxuu sidoo kale ugu yeeray isimadda Gobolka in aan ka harin kana
daalin inay dawladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha kala hadlaan arrintaasi.

7. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland inay ka hadasho bulshaddana u caddayso in doorashadda heer federaal ay noqoto mid hufan ayna kala cad yihiin doorarka kala duwan ee ay ku kala leeyihiin waxgaradka qabaa’ilka iyo guddiga doorashada soo xulista
ergooyinka iyo cidda beeluhu u dirsanayaan in ay ku matalaan tartanka xildhibaanadda
ee lagu heshiiyo yadoo la raaayo habraacyadda doorashooyinka si meesha looga saaro
tuhunka ah inuu jiro boob qorshaysan iyo la rabo in la baalmaro rabitaanka qabaailka lana
soo saaro xildhibaano aan kalsooni badan ku qabin beelaha iyo deegaamadda ay matali
doonaan.

Previous Post

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo Muqdisho ka furtay shirka wadatashiga doorka haweenka “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray magaalada Samareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray magaalada Samareeb “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray magaalada Samareeb "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In