Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka Dhicidoona Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka Dhicidoona Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socday Ururka waxbarashada islaamka oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bile Nuur ayaa maanta siwadajir ah ugu dhawaaqay inay meel gabagaba ah ay mareyso Qabanqaabada Shirweyne dhaqaale loogu Uruurinayo waxbarashada Soomaaliya oo dhawaan ka dhici doona Dalka Kuwait.

Prof Khaanim Al-Najaar oo ah lataliyaha Ururka Waxbarashada Islaamka ee Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in safarka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho ujeedkiisu uu ahaa in Madaxda Dalka ugu sareysa iyo Wasaaradda waxbarashada ay Wadatashi kala sameeyeen Ajandayaasha Somaaliya ay la tagi doonto Shirka ka dhacaya Kuwait ee looga hadlayo Waxbarshada Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ururka waxbarashada islaamka iyo ururka Waxbarshada Carabta Cisaam Xuseen Jaamac ayaa sheegay in ujeedka shirka ka dhacaya Kuwait uu yahay in la horumariyo adeegyada waxbarashada dalka, isagoo uga mahadceliyay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare sida ay u taageertay qabashada shirkaasi.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bile Nuur ayaa u mahadceliyay Ururada waxbarashada islaamka iyo kan Carabta oo iska kaashanaya qabashada Shirka dhaqaalaha loogu Uruurinayo Horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyo Dowladda Kuwait oo martigalineysa shirka, wuxuuna rajo wanaagsna ka muujiyay waxyaabaha Shirkaasi kasoo bixi doona .

Shirkan la filayo in dhawaan lagu qabto Dalka Kuwait ee dhaqaalaha loogu uruuriayo Horumarinta Waxbarshada Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ay waddo dadaallo kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Aasaasiga ah iyo tan sare ee dalka.

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka oo gaaray Baladweyn “Sawirro”

Next Post

Dar-dar Gelinta Bilicda Caasimadda oo laga hadlay

Next Post

Dar-dar Gelinta Bilicda Caasimadda oo laga hadlay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In