Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo iskaashiga ilaalinta Xuduudaha dalka oo ka furmay Muqdisho +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo iskaashiga ilaalinta Xuduudaha dalka oo ka furmay Muqdisho +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddo laba maalmood ah oo uu soconayo shir wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee  Dowladda Federaalka ah ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda hay’adaha Amniga, Garsoorka iyo wasaaradda Shaqada, caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda waxa ay diirada ku saarayaan xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha ka howlagala Xuduudaha dalka; sida xuduuda barriga,Garoomada diyaaradaha iyo Dakadaha.

 

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha shirkan isugu yimid uu kor u qaadayo sharafka iyo qaranimada Soomaaliya,wuxuuna xusay in ka hay’ad ahaan ay ka shaqeynayaan sare u qaadista wada shaqeynta dhinacyada ku lug leh arrimaha Xuduudaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sareeyo gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa bogaadiyay dadaalada ay hay’adda Socdaalka isugu xilqaameyso ilaalinta xuduudaha dalka.

“Booliska marwaliba waxa ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin Immigration-ka hadii ay tahay dhinaca baarista iyo qabashada dadka Dambiyada lagu heysto, marka waxaanu sii balaarin doonaa xiriirka aan la leenahay hay’adda Socdaalka, waxaana aaminsanahay in Booliska iyo hay’adda Socdaalku aysan kala maarmin,” sidaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxa uu balan qaaday in xafiiska xeer ilaalintu si buuxda u garab istaagayo Hay’adaha ka howlagala xuduudaha dalka si Dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeelato ka warqabka dhaq dhaqaaqa xuduudaha barriga iyo dadka ka soo galaya garoomada iyo Dekadaha.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya, mudane Maxamuud Maxamed Boonow, oo isagu shirkan furay ayaa xusay in isku fulnaasho dhinaca ilaalinta xuduudaha ah hadda ay muuqaneyso, loona baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga arrintaasi ku aadan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku howllaneyd dadaalada lagu xoojinayo ilaalinta Xuduudaha dalka, iyadoo hay’addu xafiisyo ka furatay deegaanada ku yaala xuduudaha dalka si looga warqabo dadka iyo badeecadaha soo galaya.

Previous Post

US Senator John McCain dies aged 81

Next Post

“Daawo+Sawirro” Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

Next Post
“Daawo+Sawirro” Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

"Daawo+Sawirro" Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In