Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka fircooniga oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka socoto dhowr wasaaradood ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho.

Shirkani oo  la doonayo in  lagu sameeyo   guddi ka hortaka  gudninka fircooniga waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda wasaaradaha  Caddaladda, Amniga, waxbarshadda, Awqaafta iyo diinta iyo wasaaradda haweenka iyo xaquul aadanaha oo qaban qaabisay  sharka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka  ku-xigeenka wasaaradda  haweenka iyo xaquul insaanka Muumino  Sheekh Cumar  oo  shirka  furtay ayaa ka qeybgalaasha shirka ku boorrisay in ay si wayn u dharaan dhiriyaan  arrimaha laga doodayo iyo sidii xal looga gaari lahaa.

“Mudanayaal iyo marwaayin  waxan la idinka rajaynayaa in aad  masuuliyad iska saartan, la idinka arko in si wada jir ah  aan ku wada shaqayno,  hay’adaha  dowladda iyo ururradda bulshada rayidka. Waxaana idinka mahadcelinaynaa dadaallada ay uga jiraan  baabi’inta  gudniinka fircooniga ee gabdhaha” ayay tiri Wasiir Muumino.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka qeyb galayaasha shirka oo ay ka mid yihiin xubno ka socda bulshada rayidka ah kula dardaarantay inay diiradda saaraan arrinka si ay natiijo wax lagu qaban karo uga soo baxdo shirka.

“mudanayaal waxaan  idinka codsanayaa inaad xooga sartaan  arintani ku saabsan gudniinka gabdhaha , isla markaan qolo walbo masuuliiyaddeeda taabato  wasaaradda   haweenka iyo xaquul insaanka iyo hormarinta  waxay qaadanaysaa kalinteeda  waxayna hada  diyaarinaysaa  hindise-sharciyeedka gudniinka  gabdhaha,   waxana qabyo qoraal noo  ah  baabi’inta   siyaasadda gudniinka   gabdhaha”.

Culimada Soomaaliyeed iyo dhakhaatiirta caafimaadka ayaa si weyn uga digay gudniinka noociisa loo yaqaano Fircooniga oo dhibaato caafimaad ku haya haweenka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer doodo diini ah iyo siminaarro ku saabsan arrintaan ku qabatay meelo ka mid ah dalka.

Previous Post

Deeq la gaarsiiyay dadkii soo cararay Yemen ee ku sugan Muqdisho

Next Post

Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Next Post
Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In