Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha oo Muqdisho ka furmey-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha oo Muqdisho ka furmey-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan uu maanta magaalada Muqdisho ka furey wasiirka wasaaradda maaaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxaa ka qeygalaya wasiirada maamulada xubnaha ka ah dowldda federaalka Soomaaliya kaas oo looga hadlayo wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradaha dowlad goboleedyada iyo tan wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in mudadii xilka wasaaraddu uu hayay ay u suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda; sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka qalabka sida iyo lacagaha lagu wada shaqada xafiisyada heyโ€™adda dowladda.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

Wasiirka Beyle, ayaa sidoo kale, xusay in dowladda Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in masโ€™uuliyad weyn ka saaran tahay sidii loo dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa, waxaana uu tilmaamay in sida dahliga dalka uu maanta yahay aan lagu fiirsan Karin.

Ka qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii dalkeenu u noqon lahaa amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan joogto ah.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaafaqo laga gaaro mashaariicda dalka ay ka fulineyaan heyโ€™adaha iyo dalalka kale si ay u noqdaan kuwo ka turjameya baahida dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga la saaro.

Shirkan ayaa kamid ah qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku mideyso hanaanka canshuuraha dalka guud ahaan, iyadoo gebagebada shirkan maanta gelinka dambe laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan qodobadii isku afgarteen qeybaha uu shirkan khuseeyo.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Degmada Balcad.

Next Post

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo tababar Cadaado uga furay hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda “SAWIRRO”

Next Post
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo tababar Cadaado uga furay hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda “SAWIRRO”

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo tababar Cadaado uga furay hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda "SAWIRRO"

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In