Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Kor u qaadida Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo ka socda Garoowe

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

 Shirkan oo looga hadlayo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ay leeyihiin Wasaaraddaha Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa shalay ka furmay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wasiiru Dowlaha Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi kaariye ayaa daah furay Shirkan, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Wasiiradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland, Aqoonyahano kala duwan iyo Hay’addaha taageera kor u qaadida Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Intii uu shirka socday waxaa lagu soo Bandhigay Guulaha ay Puntland ka gaartay Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, iyadoo Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland C/raxmaan Barkhadle Jaamac uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu miro dhalo shirkani.

Axmed Cabdi kaariye Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada shirkani ay tahay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Puntland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, isagoo dhinaca kale xusay in Agab kala duwan ay ku wareejin doonaan Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland kaasi oo wax badan ka tari doono howlaha Wasaaradda.

Previous Post

Xubnaha Aqalka sare oo ka hadlay Qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed uga baxa Xajka iyo Cumrada

Next Post

Guddoomiyaha G/Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha G/Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha G/Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In