Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

caqiil by caqiil
July 7, 2015
in Wararka
0
Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdi oo uu hogaaminaayo Wasiiro dowlaha wasaaradda duulista iyo saadaasha hawada xukuumadda Soomaaliya oo maanta u amba baxay dalka Kenya ayaa waxaa ay ka qeybgali doonaa shir looga hadlayo sidii dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya kaas oo ay soo qaban qaabisay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadka rayidka caalamka ee ICAO.

Mudane Maxamed Isxaaq Cismaan “ Fanax” wasiiro dowlaha wasaaradda duulista iyo saadaasha hawada ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana ka socon doona 8-9 bishan Luulyo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

“Shirka waxaa looga hadlayaa sidii hawada Soomaaliya oo meelaha kale laga maamulo loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho iyo sidii loo horumarin lahaa garoomada (diyaaradaha) Soomaaliya”, ayuu yiri Fanax.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkan ka dambe ku howlaneyd sidii maamulka hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa taas oo mudadii dalka burburka ku jirey laga maamulayay dalka Kenya ayna gacanta ku heysay Qaramada Midoobay gaar ahaan hey’adda duulimaadka rayidka u qaabilsan ee ICAO.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

Next Post

Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro

Next Post
Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro

Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In