Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo ololaha Tallaallka Xoolaha oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo ololaha Tallaallka Xoolaha oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani  oo ay soo qabanqaabisay Wasaradda Xanaananada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa mid lagu daah furayay  ololaha Talaalka Xoolaha ee cudurada Jadeecada iyo furaqa oo inta badan xoolaha ku dhaca qaabka loo gaarsiinkaro dhanka miyiga ee Gobolada dalka Soomaaliya .

Qaar ka mid ah Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee Maamul Goboleedyada dalka dhaqaatiir ajaanib ah iyo dhaqaatiirta xirfadleeyda Soomaaliyeed ayaa ka soo qeyb galay shirka,  iyadoo kulanka daahfurka ololaha talaalka lagu qeexay in dalkeena u yahay mid ku tiirsan xoolaha, loona bahan yahay in ahmiyad gaar ah lasiiyo caafimaad qabka Xoolaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ibraahim Cabdi Xasan Wasiir ku-xigeenka Xanaanada, Xoolaha ee dowlad Goboleedka Jubbaland oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in maamul ahaan ay soo dhaweynayaan ka warqabka cafimaadka Xoolaha, waxaa uuna u mahad ciliyaya dhaqaatiirta isku howshay arrinta.

Drs Nuurta Sheekh Maxamuud oo kamid ah dhaqaatiirta xirfadleeyda Xanaanada, Xoolaha ayaa sheegtay in oloaha talaalka uu sahli karo in la helo xoolo cafimaad qaba,  taasi oo sahleysa inay fududaato iibka xoolaha la dhuufiyo.

Mudane Cabdikariin Khaliif Dhalac Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo daaqa oo wareysi gaar ah siiyay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in ololaha talaalka la gaarsiinayo Gobolada Dalka, ayna kala sheqeyn doonaan dhaqaatiirta  ku taqasuusay Xanaanaanada Xoolaha kaasi oo socdoono muda labo bilood ah.

Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadkiiba labo jeer sameeysa talaalka caafimaad qabka xoolaha,  madaama dalkeena uu yahay mid ku tiirsan yahay xoolaha.

 

Previous Post

Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo guddi u saartay arrinta Bariire “Dhageyso”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka  oo sheegay in lagu guuleystay ladagaalanka Musuqa

Xukuumadda Soomaaliya oo guddi u saartay arrinta Bariire "Dhageyso"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In