Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo xuquuqul Insaanka Afrika oo lagu soo bandhigay tacaddiyada Soomaaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo xuquuqul Insaanka Afrika oo lagu soo bandhigay tacaddiyada Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Hassan Shire ayaa soo bandhigay tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalalka ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Kenya, Djibouti iyo Eritrea Ethopia .

Dr. Hassan Shire oo ka hadlay Shirweynaha 56-aad ee Golaha Afrika ugu qaabilsan  Xuquuqda Adaanaha (The African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR) ee ka socda Hotelka Kairaba Beach Hotel oo ku yaalla  caasimadda dalka Gambia ee Banjul ayaa faahfaahin guud ka bixiyey Waxyaabihii ay gudi tirsan Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska  iyo u qaabilsanaha arimaha xuquuqda aadanaha ee golaah Afrika kala soo kulmeen Somalia Safar Hawleed ay ku yimaadeen dalka Somalia.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026

Dr. Xasan Shire waxa uu carrabka ku dhuftay inay Somalia weli ka jiraan Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha , sidoo kale waxaa safarkeeda Somalia ka hadashay Madam Reine oo sheegtay in ay la so kulmeen madaxweynaha , xildhibaano iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee dalka ka shaqeeya dhamantoodna ay gaarsiiyeen iney muqadas tahay ilaalinta iyo dhawrida xuquuqda aadanaha.

Shirkaasi waxaa kaloo ka hadashay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka socday dalka Sudan, Amir Suleymaan iyo Marwo Abbas waxeyna ka warbixiyeen Tacadiyadda ay Dowladda Sudan ku hayaan Siyaasiyiinta, Suxufiyiinta iyo dadka waxgalka ah.

Amiir Suleymaan Waxay aad u dhaliilay qaabkii ay u dhacday Doorashaddii Madaxtinimadda ee dalka Sudan oo uu sheegay iney aheyd ku shubasho dadka Suudana aysan doorasho soo aadin badankood

Doorashada ayaa Waxa  oo uu mar kale ku guuleystay Jeneral Omar Hassan Albashiir, oo uu u tilmaamtay Keligii Taliye caqabad ku ah Xorriyadda, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Idaacadda Dalsan Radio, Md. Xasan Ali Geeseey ayaa Khudbad ka jeediyey Shirkaasi ka socda  caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Md. Xasan Cali Geeseey ayaa faahfaahin ka bixiyey Xaalladda adag ee ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha dalka Somalia, wuxuuna xusay  inay Somalia ka dhacaan xadgudubyo ka baxsan Bani Aadminimadda iyo inay Suxufiyiinta u nugul yihiin in loo geysto tacadiyo.

“Tacadiyadda ka baxsan Xuquuqda Aadanaha waxay ku yimaadaan siyaabo kala duwan, gaar ahaan Waddanka Somalia oo ka soo kabanaya diiftii colaadaha sokeeye” ayuu yiri Md., Geeseey oo diiradda saaray Tacadiyadda liddiga ku ah Warbaahinta Somalia.

Waxa kaloo uu ka hadlay sida ay Dalladda SIMHA u diiwaan-geliyaan tacadiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Xarumaha Warbaahinta Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Somalia ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan ee ay Suxufiyiinta ka hawlgalaan, marka laga soo tago dalalka Syria iyo Iraq.

“Waxaa lagu qiyaasaa in 49 Suuxfiyiin ka hawlgeli jirey Idaacadaha, Telefishinnadda iyo Madbacadaha lagu dilay gudaha dalka Somalia, laga soo bilaabo sannadkii 1992-kii ee uu dagaalka sokeeye ka bilowday Somalia  ilaa sannadkii 2013-kii” ayuu yiri Guddoomiyaha SIMHA.

Waxa kaloo uu Md. Xasan Cali Geeseey hoosta ka xariiqay in Suxufiyiinta la dilay oo dhamaantooda rag ahaa la dilay xilli ay dabagal  ku hayeen Tacadiyadda Siyaasadeed iyo kuwa Dagaalladad Sokeeyevee ka dhacay Somalia.

Shirweynaha 56-aad ee Golaha Afrika ugu qaabilsan  Xuquuqda Adaanaha (The African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR) ee ka socda  caasimadda dalka Gambia ee Banjul ayaa waxa looga hadlayaa xaalladda Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda  haatan ka jirta Qaaradda Afrika Shirkaasi ayaa la filayaa in la soo gebegebeeyo bisha soo socota ee May 7-da.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Previous Post

ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

Next Post

Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”

Next Post
Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”

Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah "Sawirro"

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO():-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM , oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Qof iyo Codka ee ka dhacday...

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KOONFUR AFRIKA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In