Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir weynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo maanta furmaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir weynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo maanta furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ka furmaya shirweynaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) kaasi oo sanadkan noqonaya kii 70-aad ee golahaasi yeesho.

Shirweynahan ayey sanadkan ka soo qeyb galayaan in ka badan 100 Madaxweyne iyo hogaamiyayaasha dalalka Caalamka, wuxuuna shirkan kusoo beegmayaa xili xiisado badan ay ka jiraan caalamka oo dhan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadlayo waxaa  ka mid ah, arrimaha cimilada sii badalmeysa, dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo xiisadaha ka jira Yurub ee la xariira Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay shirkan ka soo qeyb galaya muddo 10 sano ah, isagoo kulamo gaar ah la yeelan doona hogaamiyayasha Maraykanka, Iran iyo qaar kale oo ka mid ah dalalka Yurub. Walow Putin la sheegay inuu isla beri uu dib ugu noqon doono dalkiisa.

Madaxda  ka qeyb galaysa hirka oo khudbado ka jeedin doona golaha loo dhan yahay ayaa waxaa si gaar ah isha loogu hayaa khudbadaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xili ay markale xiisad ka dhex taagan tahay dalalkaasi oo lagu tilmaamo kuwa ugu awooda badan caalamka dhanka meleteriga.i.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirkaasi ayaa la filayo inuu  khudbad ka jeediyo fadhiga golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay..

.

Previous Post

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo Ahlusunna ugu baaqay wadahadal

Next Post

R/wasaaraha ” Waxaan Ummadda ka codsanayaa inay dowladda kala shaqeeyaan Ammaanka”

Next Post
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

R/wasaaraha " Waxaan Ummadda ka codsanayaa inay dowladda kala shaqeeyaan Ammaanka"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In