Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha bulshada reer hiiraan eeΒ ku dhaqan dalkani kenya ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano kaΒ tirsan baarlamaanka Soomaaliya,masβuul ka tirsan wasaarada qorsheyntaΒ ee xukummada Soomaaliya odoyaal,waxgarad,Culumaaβ
Kulanka oo lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyoΒ Aayo ka talinta reer Hiiraan ee ka socda magaalada B/weyne ayaa warbixinnoΒ looga dhagaystay xildhibaanada kala ah Abuukaate Daahir Xasan Cabdi iyoΒ Xildhiban Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan xildhibanadaΒ baarlamanka soomaaliya,kuwasi oo dhawaan tegay magaalada B/weyne soona arkay qaabka uu u socdo shirkaasi.
Ugu Horeyn waxaa ujeedada kulanka ka warbixiyay C/qaadir Sheekh MuuminΒ oo ku hadlayaay magaca bulshadii soo qaban qaabsiay kulankan ayaa yiri “Culimaa udiinka iyo dhalinyarada anigoo magacooda ku hadlayo inan sooΒ dhaweeyo Xildhibanada maanta martida noogu ah fadhigan iyo iyagooΒ nagala qeyb galayo shirka dib u heshisinta iyo aaya ka talinta eeΒ maanta ka soconayo magalada Baladweyne”
Qaar ka mid ah waxgaradkii kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeenΒ Abuukar Jimcaale Gabow iyo maxamed shukri ayaa waxay muujiyeenΒ taageerada ay u hayaan shirka dib u heshiisnta ee ka socda magaaladaΒ B/weyne.
“Reer hiiranka meesha fadhiyow waxan leeyahay midka maqan ama gobalkiiΒ ha jiro ama qurbaha ha jiro ama hada magalada ha joogo reer hiiraan ahΒ waxan leeyahay aayihiina sida hada aad uga tashateen oo xildhibanadaΒ joogaahu ay hogaanka u qabteen arinta ku ayida, ayaga garab istaagaΒ koleey anigu shaqsi ahaan wan garabtaaganahay inta kalana waxan uguΒ baaqayaa inay garab istaagto” ayuu yiri nabadoon Maxamed Shukri.
“Anagu galabta waxan u nimiday inan taageerno shirka dib u heshiisintaΒ iyo Aaya ka talinta reer hiiraan,waan taagereynaa wan sooΒ dhaweynaynaa,wixii siyaasad ah siyaasiyiinta ayan u deynaynaa” ayuu yiri Shiikh Abuukar Jimcaale Gaabow.
Xildhibaan Abuukaate daahir iyo Xildhiban Cali NuurΒ BoodaayeΒ ayaaΒ waxay si kooban uga warbixiyeen qaabka uu ku bilowday iyo heerarkiiΒ kala duwanaa ee uu soo maray shirka dib u heshiisiinta ee ka socdaΒ magaalada b/weyne iyo Halka uu hada marayo.
“waxan ku tashanay hadan nahay reer hiiraan inaan anaga iskuΒ tashano,inaan u diyaar garowno sidii aan dowlad ku noqon lahayn anagooΒ aan cidna hoostagin sidii aan dowad ku noqon lahayn,taa marka waxan uΒ diyaar garownay ilaa iyo 2 sano ku dhawaad ayaan shirar isdaba joog ahΒ hanoqoto kuwa ‘tele cofrerence’taleefonada aan ku qabanay,ha noqdaanΒ kuwa dowlada aan la fadhiisanay xildhibanada anagoo ah,anagoo reerΒ hiiraan ah,nairobi ha noqoto wadankii ha noqoto shirar gooni gooni ahΒ reer hiiranka kale aan la galnay,intaasoo dhan waxan u soconay waxayΒ ahayd si ay dowlad ay reer hiiraan leeyihiin uga dhalato gobolka hiiraan ” Ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi.
“Barnaamijkaas dib u heshiisiinta wuxuu soo socday ilaa 1 dii bishiiΒ may ilaa hadΒ waa socdaa,habka wax loo waday wax loo waday waxay ahaydΒ beelihii reer hiiraan oo loogu baaqay inay gogoshaas yimaadaan 9 kaΒ mid ah ayaa timid qaarna waa ay diideen,kulankaas wuxuu soo dhamaadayΒ mudo hada laga joogo labo todobaad beelihii isugu yimid qaarna waxayΒ go aan ku gaareen wixii kala gaaray inay xalay dhalay kaΒ noqdaan,qaarna waxay ku heshiiyeen in dib u heshiisiintooda ay mudoΒ dheer socoto”Ayuu yiri xildhibaan Cali Nuur Boodaaye.
Shirka qeybta dhiman oo aaya ka tashigana waa furmay,isagana inshaΒ allah waxan rajaynaynaa inay natiija fiican kasoo baxdo,dadkaan waxayΒ ku maalgeliyeen shirka natiijadiisa meesha laga arko”Ayuu sii raaciyay Cali Nuur Boodaaye.
Shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta Reer Hiiraan ayaa in kaΒ badan mudo bil ah waxa uu socdaa magaalada B/weyne ee Xarunta gobolkaΒ Hiiraan,iyadoo ay heshiisyo nabadeed ku kala saxiixdeen beelaha degaΒ gobolkaasi.















































