Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan oo Nairobi laga taageeray “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan oo Nairobi laga taageeray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha bulshada reer hiiraan ee ku dhaqan dalkani kenya ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,mas’uul ka tirsan wasaarada qorsheynta ee xukummada Soomaaliya odoyaal,waxgarad,Culumaa’udiin,dhalinyaro iyo haween.

Kulanka oo lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta reer Hiiraan ee ka socda magaalada B/weyne ayaa warbixinno looga dhagaystay xildhibaanada kala ah Abuukaate Daahir Xasan Cabdi iyo Xildhiban Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan xildhibanada baarlamanka soomaaliya,kuwasi oo dhawaan tegay magaalada B/weyne soona arkay qaabka uu u socdo shirkaasi.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Ugu Horeyn waxaa ujeedada kulanka ka warbixiyay C/qaadir Sheekh Muumin oo ku hadlayaay magaca bulshadii soo qaban qaabsiay kulankan ayaa yiri “Culimaa udiinka iyo dhalinyarada anigoo magacooda ku hadlayo inan soo dhaweeyo Xildhibanada maanta martida noogu ah fadhigan iyo iyagoo nagala qeyb galayo shirka dib u heshisinta iyo aaya ka talinta ee maanta ka soconayo magalada Baladweyne”

Qaar ka mid ah waxgaradkii kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Abuukar Jimcaale Gabow iyo maxamed shukri ayaa waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan shirka dib u heshiisnta ee ka socda magaalada B/weyne.

“Reer hiiranka meesha fadhiyow waxan leeyahay midka maqan ama gobalkii ha jiro ama qurbaha ha jiro ama hada magalada ha joogo reer hiiraan ah waxan leeyahay aayihiina sida hada aad uga tashateen oo xildhibanada joogaahu ay hogaanka u qabteen arinta ku ayida, ayaga garab istaaga koleey anigu shaqsi ahaan wan garabtaaganahay inta kalana waxan ugu baaqayaa inay garab istaagto” ayuu yiri nabadoon Maxamed Shukri.

“Anagu galabta waxan u nimiday inan taageerno shirka dib u heshiisinta iyo Aaya ka talinta reer hiiraan,waan taagereynaa wan soo dhaweynaynaa,wixii siyaasad ah siyaasiyiinta ayan u deynaynaa” ayuu yiri Shiikh Abuukar Jimcaale Gaabow.

Xildhibaan Abuukaate daahir iyo Xildhiban Cali Nuur  Boodaaye  ayaa waxay si kooban uga warbixiyeen qaabka uu ku bilowday iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada b/weyne iyo Halka uu hada marayo.

“waxan ku tashanay hadan nahay reer hiiraan inaan anaga isku tashano,inaan u diyaar garowno sidii aan dowlad ku noqon lahayn anagoo aan cidna hoostagin sidii aan dowad ku noqon lahayn,taa marka waxan u diyaar garownay ilaa iyo 2 sano ku dhawaad ayaan shirar isdaba joog ah hanoqoto kuwa ‘tele cofrerence’taleefonada aan ku qabanay,ha noqdaan kuwa dowlada aan la fadhiisanay xildhibanada anagoo ah,anagoo reer hiiraan ah,nairobi ha noqoto wadankii ha noqoto shirar gooni gooni ah reer hiiranka kale aan la galnay,intaasoo dhan waxan u soconay waxay ahayd si ay dowlad ay reer hiiraan leeyihiin uga dhalato gobolka hiiraan ” Ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi.

“Barnaamijkaas dib u heshiisiinta wuxuu soo socday ilaa 1 dii bishii may ilaa had  waa socdaa,habka wax loo waday wax loo waday waxay ahayd beelihii reer hiiraan oo loogu baaqay inay gogoshaas yimaadaan 9 ka mid ah ayaa timid qaarna waa ay diideen,kulankaas wuxuu soo dhamaaday mudo hada laga joogo labo todobaad beelihii isugu yimid qaarna waxay go aan ku gaareen wixii kala gaaray inay xalay dhalay ka noqdaan,qaarna waxay ku heshiiyeen in dib u heshiisiintooda ay mudo dheer socoto”Ayuu yiri xildhibaan Cali Nuur Boodaaye.

Shirka qeybta dhiman oo aaya ka tashigana waa furmay,isagana insha allah waxan rajaynaynaa inay natiija fiican kasoo baxdo,dadkaan waxay ku maalgeliyeen shirka natiijadiisa meesha laga arko”Ayuu sii raaciyay Cali Nuur Boodaaye.

Shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta Reer Hiiraan ayaa in ka badan mudo bil ah waxa uu socdaa magaalada B/weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,iyadoo ay heshiisyo nabadeed ku kala saxiixdeen beelaha dega gobolkaasi.

Hiiraan 1 Hiiraan 3 Hiiraan 4 Hiiraan 5 Hiiraan 6 Hiiraan 7 Hiiraan 8 Hiiraan 10 Hiiraan 11 Hiiraan 12 Hiiraan 13 Hiiraan 16 Hiiraan 18 Hiiraan 19 Hiiraan 20 Hiiraan 21 Hiiraan 22 Hiiraan 23 Hiiraan 25 Hiiraan 26 Hiiraan 27 Hiiraan 28 Hiiraan 29 Hiiraan 30 Hiiraan 31 Hiiraan 32 Hiiraan 33 Hiiraan 34 Hiiraan 35 Hiiraan 36 Hiiraan 39 Hiiraan 40 Hiiraan 41 Hiiraan 44 Hiiraan 45 Hiiraan 46

Previous Post

Siminaar loo furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka {SAWIRRO}

Next Post

Deeq loo qaybiyay dad ka soo laabtay dalka Yemen

Next Post
Deeq loo qaybiyay dad ka soo laabtay dalka Yemen

Deeq loo qaybiyay dad ka soo laabtay dalka Yemen

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In