Golaha amaanka ee Qaramada midoobay kulan ay ku yeesheen magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyo howgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee Amisom oo gacanta ku dhigay deegaanno iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa dawladda Soomaaliya uga qeybgalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya New York, Ergada joogtada ee Qaramada Midoobay Cawaale Cali Kullane oo Radio Muqdisho u sheegay in shirkani 3-dii biloodba mar la qabto islamarkaana warbixin looga dhageysto Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Amisom.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika iyo AMISOM ee Somalia, Maman S. Sidikou oo uga qaybgalay khadka taleefoonka kulankaasi ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin horumarka Soomaaliya ka soo bidhaamayo.
Danjire Kay ayaa sheegay inuu xaaladda Soomaaliya ka qabo rajo, isagoo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo kale duwan leh oo dadka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.
Sidoo kale, ergyga oo ka hadlayay rajadiisa ku aaddan in howlaha dowladda Soomaaliya u harsan la dhameystiri karo ka hor xilliga loo qabtay inay dalka ka dhacdo doorasho, ayaa sheegay in taas uu rajo ka qabo.
“Waxaan qabaa in sanadkan cusub uu noqdo mid la hirgelin karo hannaanka federaaliisimka Soomaaliya, hirgelinta arrintana ayaa Soomaaliya u ah horumar Waxaanu doonaynaa inaan ka dhabeyno ballanqaadii aan sameynnay sannadkii hore ee 2014-ka, inta lagu jiro sanadkanna la dhameystiro dhismaha maamullada gobollada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ergaygu wuxuu kaloo ka hadlay Ammaanka Muqdisho iyo howlaha xafiiskooda; wuxuuna sheegay in inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan waddooyinka ka dhacaan qaraxyo uu hadana rumeysan yahay in haddii isku-duubni la muujiyo caqabadahaas oo dhan laga gudbi karo.
“Inkastoo ay jiraan caqabado ku gudban dariiqeenna hadana waxaa qabaa inuu jiro dareen looga hortegi karo arrimahaas, horayna loogu sii socon karo si 2016-ka dalka ay doorasho uga dhacdo, inta ka horreysana howlaha noo haray la dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku soo af-jaray danjire Nicholas Kay.
Dhanka kale, waxaa isna xubnaha golaha ammaanka la hadlay danjire, Maman S. Sidikou oo sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay guulo waaweyn ka gaareen la-dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalladii dhacay sannadkii lasoo dhaafay.
“Sannadkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay qaadeen laba howlgal oo guul ku dhammaaday, kuwaasoo kala ahaa Gorgor iyo BadweyntaHindiya, waxaana Al-shabaab looga qabsaday 16 Magaalo oo ay Al-shabaab ka talin jirtay,” ayuu yiri danjire Sidikou.
Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in howlgalladaas ka sokow ay ku guuleysteen inay suuro-geliyaan in howlaha xukuumadda Soomaaliya ay gaarsiiyaan goobo kala duwan oo dalka ka tirsan.