Sunday, December 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Kulan ka Yeelatay “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Kulan ka Yeelatay “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

CawaaleGolaha amaanka ee Qaramada midoobay kulan ay ku yeesheen magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyo howgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee Amisom oo gacanta ku dhigay deegaanno iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa dawladda Soomaaliya uga qeybgalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya New York, Ergada joogtada ee Qaramada Midoobay Cawaale Cali Kullane oo Radio Muqdisho u sheegay in shirkani 3-dii biloodba mar la qabto islamarkaana warbixin looga dhageysto Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Amisom.

Related posts

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika iyo AMISOM ee Somalia, Maman S. Sidikou oo uga qaybgalay khadka taleefoonka kulankaasi ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin horumarka Soomaaliya ka soo bidhaamayo.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu xaaladda Soomaaliya ka qabo rajo, isagoo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo kale duwan leh oo dadka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.

Sidoo kale, ergyga oo ka hadlayay rajadiisa ku aaddan in howlaha dowladda Soomaaliya u harsan la dhameystiri karo ka hor xilliga loo qabtay inay dalka ka dhacdo doorasho, ayaa sheegay in taas uu rajo ka qabo.

“Waxaan qabaa in sanadkan cusub uu noqdo mid la hirgelin karo hannaanka federaaliisimka Soomaaliya, hirgelinta arrintana ayaa Soomaaliya u ah horumar Waxaanu doonaynaa inaan ka dhabeyno ballanqaadii aan sameynnay sannadkii hore ee 2014-ka, inta lagu jiro sanadkanna la dhameystiro dhismaha maamullada gobollada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ergaygu wuxuu kaloo ka hadlay Ammaanka Muqdisho iyo howlaha xafiiskooda; wuxuuna sheegay in inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan waddooyinka ka dhacaan qaraxyo uu hadana rumeysan yahay in haddii isku-duubni la muujiyo caqabadahaas oo dhan laga gudbi karo.
“Inkastoo ay jiraan caqabado ku gudban dariiqeenna hadana waxaa qabaa inuu jiro dareen looga hortegi karo arrimahaas, horayna loogu sii socon karo si 2016-ka dalka ay doorasho uga dhacdo, inta ka horreysana howlaha noo haray la dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku soo af-jaray danjire Nicholas Kay.

Dhanka kale, waxaa isna xubnaha golaha ammaanka la hadlay danjire, Maman S. Sidikou oo sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay guulo waaweyn ka gaareen la-dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalladii dhacay sannadkii lasoo dhaafay.
“Sannadkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay qaadeen laba howlgal oo guul ku dhammaaday, kuwaasoo kala ahaa Gorgor iyo BadweyntaHindiya, waxaana Al-shabaab looga qabsaday 16 Magaalo oo ay Al-shabaab ka talin jirtay,” ayuu yiri danjire Sidikou.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in howlgalladaas ka sokow ay ku guuleysteen inay suuro-geliyaan in howlaha xukuumadda Soomaaliya ay gaarsiiyaan goobo kala duwan oo dalka ka tirsan.
http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/02/shir-looga-hadlayey-arimaha-somaliya-oo-ka-dhacay-xaruunta-qaramada-midoobe.mp3

Previous Post

Real oo Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Spain ee La Liga “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah,...

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

December 6, 2025
0

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In