Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Abaaraha ka jira Gobollada Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Abaaraha ka jira Gobollada Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 17, 2016….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka.

Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu, iyadoo shacabka Soomaliyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Guddi u howlgala sidii gacan loo siin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen, iyadoo guddigaas ay hoggaamin doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha isla markaana ay xubno ka yihiin Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Qorshaynta, Xannaanada Xoolaha, Biyaha, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasiiru-dawlaha Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, Waxaa Golaha Wasiiradu ka hadleen dhaq-dhaqaaqa Ciidan iyo howlgallada Al-shabaab ka wadaan dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la cambaareeyey falalkaas Argagixiso.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey Lix Safiir (6) oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya u soo gudbisay, kuwaas oo kala ah.

  1. C/raxmaan Ducaale Bayle
    2. Cali Shariif Axmed
    3. Abuukar Cabdi Cismaan
    4. C/raxmaan Sheekh Ciise
    5. Sakhawadiin Mustafa Maxamed
    6. Maxamed Xasan Cabdi

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda (PFM) iyo Siyaasadda dawladda ee nidaamka shaqaalaha u xoogsi taga dalalka dibedda.

1 2 3

Previous Post

Howlgal amniga lagu adkeynayay oo laga sameeyay Afgooye

Next Post

Tababar loo qabtay kalluumeysatada degmada Hobyo+Sawirro

Next Post
Tababar loo qabtay kalluumeysatada degmada Hobyo+Sawirro

Tababar loo qabtay kalluumeysatada degmada Hobyo+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In