Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey istiraatejiyada aminga gudaha iyo arrimo kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey istiraatejiyada aminga gudaha iyo arrimo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Dawladda Federaalka  yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada, ansixinta Istraatejiyada Amniga iyo arrimo kale.

Ugu horreyn, Wasiiru Dawlaha Amniga Mudane Xasan Macalin ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in howlgallada xasilinta ay si xowli ah u socdaan oo degmada Afgooye lagu soo qabtay labo maleeshiyada Al-Shabaab  ka tirsan oo shacab dil u geystay. Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa isu soo dhiibey gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyadii la socotay, iyagoo ka faa’iideysanya cafiskii Madaxweyne Farmaajo. Wasiir ku xigeenka Amniga Abdinasir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey Istraatejiyada Amniga Gudaha ee 2017 – 2022 tanoo ka tarjumeysa siyaasada amniga, saldhigna looga dhigay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ujeedada Istraatejiyada ayaa ah in muwaadin walba loo abuuro jawi amni ah oo la isku haleyn karo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa golaha warbixin buuxa ka siisey qorshaha hirgelinta tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo G/Benaadir oo maanta lagu daahfurayo Muqdisho. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in hirgelinta tartankan uu ku yimid wadatashi muddo socday oo gobollada qaarkood ay booqdeen. Hirgelinta tartankan ayaa waxey dhiirigelineysaa is-dhexgalka bulshada iyo nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Weheliye ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee 6dii December 2017 ay GalMudug iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeeen inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Wasiirada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo markii la doortay Sheikh Shaakir ku casuumay Caleemasaarkii oo tan iyo markaasina ay Dawlada Federaalka ay ku howlaneed sidii heshiiskan taariikhiga ah loo gaari lahaa. Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxda GalMudug ay sidooda ahaanayaan, hase yeeshee lagu soo kordhinayo jagada Madaxa Xukuumada oo Sheikh Shaakir uu noqonayo, waxuuna shir-guddoomin doonaa golaha wasiirada GalMudug. Heshiiska ayaa lagu sii dhameystiri doonaa Dhuusamareeb usbuucyada soo socda.

Golaha ayaa waxaa looga warbixiyey shirarkii 3da, 4ta iyo 5ta December 2017 ka dhacay Muqdisho oo kala ahaa Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada qeyb ka ahaayeen, Shirkii Amniga ee 4ta December iyo kii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee 5tii December. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirarkaas ay muhiim u ahaayeen geedi socodka Soomaaliya caddaalad iyo sharci ku dhisan, iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii Dawladda ee dhanka siyaasada, dib-u-eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, federaaleynta, doorashooyinka, maamulka iyo maareynta maaliyada iyo sugida amniga. Golaha ayaa ammaanay doorka dadkii soo qabanqaabiyey ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida Hay’ada isku-xirka Deeqaha (ACU).

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Seychelles oo uu xabsiga ku booqday, isla markaasna Dawladda Seychelles la soo saxiixday heshiis maxaabiista loogu soo celinayo dalkooda. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirkii Afrika iyo Yurub oo ka dhacay Abidjan ee diiradda lagu saarayey xoojinta xiriirka Afrika iyo Yurub isla markaasna lagu lafa-gurey shaqo abuurka dhalinyarada Afrika. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la soo qaatay Wasiirka Romania oo aad u daneynaya Soomaaliya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la soo saxiixday dalka Lithuania.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmi doona 16ka December 2017, kaasoo looga dan leeyahay in la xoojiyo doorka culumada Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada iyo in Culumada ay hormuud ka noqdaan soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanada Guduudo Carwo

Next Post

Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Maraykanka ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Maraykanka ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In