Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay howlgallada dib u xoraynta ah ee kasocda Jubbaland, xal u helidda khataraha ka dhasha kaalmaha shidaalka lagu iibiyo, xaalada gobolka Gedo iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada guulaha muuqda laga gaaray ee ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo xoogga dalka, kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay argagixisada maalmahii lasoo dhaafay.

Related posts

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026

Golahu waxa uu ugu baaqay bulshada reer Jubbaland inay garab istaagan Ciidamada howlgalka ku jira oo naftooda u huraya sidii nabad iyo xornimo ay ugu noolaan lahayeen bulshada Jubbaland.

Boqolaal ka tirsan khawaariijta ayaa maalmahii lasoo dhaafay lagu dilay howlgalka socda iyadoo laga soo furtay hub iyo agab kala duwan oo ay u isticmaalayeen dhibaataynta dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada howlgallada ay ka socdaan.

Dhinaca kale dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa la faray inay sida ugu dhakhsaha badan dib ugu howlgaliyaan xafiisyadii iyo howlwadeenadii ka shaqaynayay gobolka Gedo si adeegyada bulshada halkaas loo gaarsiiyo.

Ugu danbayntii waxaa guddi gaar ah loo saaray xal u helida dabka ka dhasha Kaalmaha shidaalka lagu iibiyo, iyadoo guddigan uu qiimayn ku samayn doono habka badqabka ee goobahaas iyo inay u dhamaystiran yihiin waxyaabaha muhiimka u ah ka hortaga inuu dab ka dhasho kaalmaha shidaalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kormeeray xarunta Agaasinka Waxbarashada

Next Post

Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

Next Post
Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In