Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka iskaashiga Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirka iskaashiga Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmaya shir madaxeed u dhexeeya dalalka Afrika iyo dowladda Japan kaasoo loo yaqaano TICAD.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.

Previous Post

Masar oo sheegtay iney Soomaaliya ka taageereeyso sugidda amniga

Next Post

Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay magaalada Cizre

Next Post
Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay  magaalada Cizre

Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay magaalada Cizre

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In