Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Iskaashiga Caalamiga ee dhanka Kaabayasha Dhaqaalaha oo ka furmay Beijing

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Iskaashiga Caalamiga ee dhanka Kaabayasha Dhaqaalaha oo ka furmay Beijing
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha, Xi Jinping  ayaa maanta oo Jimca ah ka furay magaalada Caasimada Beijing Shir madaxeed ku saabsan ‘Iskaashiga Caalamiga ah ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha , waana mashariic dhismo oo Shiinaha leh, balse dalal badan oo qaaradaha adduunka leh  ka wada-faa’ideysanayaan.

 

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Shirka oo soconaya 3-beri,waxaa ka qayb-galaya 37 dal, wakiilo ka kale socda 150 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, ururo caalami ah, waxaana kamida Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters iyo madaxa Sanduuqa lacagta, Christine Legarda iyo madax uu  kamid yahay Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Puttin.

Soomaliya shirka waxa uga qayb-galaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Mareye iyo Wasiirka Qorsheynta, Jamal Maxamedd Xasan.

Qaarada Africa, si gaar ah bariga Africa oo ah meelaha uu mashruuca Shiinaha ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan (Belt and Road Initiatives) ka jira kana faa’ideystay waxaa uga qayb-galaya Madaxweynaha Djibuuti Ismaciil Cumar Geele, Ra’isul- wasaraha Itobiya Abi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo uu wehliyey maanta, Railo Odinga, hogaamiyihii hore ee mucaaradka waddankaasi

Madaxweyne Xi ayaa sheegay in barnaamijkan uu ujeedkiisu yahay  isku-xirka dadyawga,iyo dawladaha, kuna dhisan iskaashi la taaban karo oo ay dhinacyadu kawada faa’ideysanayaan lehna halbeeg caalami ah(International Stardard).

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo khudbeynayey saaka April 26, 2019
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo khudbeynayey saaka April 26, 2019

 

“Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay inuu dhiso ganacsiga, kaabayasha dhaqalaha kaasi oo albaab u furaya koriimaha dhaqaalaha adduunka, wuxuu sidoo kale sare uu u qaadaya is-dhaafsiga dhaqanka, cilmiga, tiknolajiyada iyo cilmi-baaris  si wadajir ah loo wada sameeyo”, Jinping ayaa sidaa ka yiri shirka.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday 5000 oo ruux oo dalalka barnamijkan ka jira in ay ka caawinayaan tababaro iyo cilmi baaris shanta sano ee soo aadan.

Hogaamiye-yaasha adduunka ee madasha ka hadlay oo dhan ayaa soo dhaweeyey Khudbada madaxweynaha Shiinaha iyo kaalinta Shiinaha ee ku aadan in barnamijkan uu wax ku ool uu u yahay nolosha aadanaha iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha adduunka, iyadoo sidoo kale uga hambalyeyey sannad guurada 70-aad ee aas-aaska Jamhuuriyada Shiinaha Cusub oo sanadkan laga xusi doono.

Barnaamijkan ayaa ah dhismaha waddooyin, boondooyin isku xiro jaziirado kala go’an ama isku xirka deegaano kala go’an iyo khad tareen oo dheeraya kuwaas oo qaar dalal ama qaarado isku gooshaya, iyo biyo xireeno dhaliya koronto,waxaana ay aad wax uga bedeleen nolosha dadka,waxaana ay kordhiyeen dhaqaalaha dalalkaasi sida ay wada qireen Madaxweynayaasha qaarkood sida kan AZerbajan, Aliyev, DJibuti, Gele, kan Kenya, Kenyatta iyo Christine Legarda oo ah Madaxa IMF-ta.

Shirkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah, Madaxweynaha Xi ayaana ku dhawaaqay hindisaha ‘ Belt and Road’ sannadkii  2013, ka sakow dalal ka dhaqan galay ee ka faa’ideystay, waxaa hadda ku soo biiraya oo saxiixaya dalal badan oo Africa, Asiya, Australia, Latin America iyo Europe ah, waxaana u dambeeyey oo saxiixay dalka Talyaniga oo aniga na gumeystay, halka anaga Somaliyana aanu saxiixnay bishii August ee sanadkii hore 2018.

Maxamed Cisman oo jooga xarunta Shir Madaxeedka April 26,2019
Maxamed Cisman oo jooga xarunta Shir Madaxeedka April 26,2019

Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra”

E-mail: [email protected]  

Beijing-China

Previous Post

Wasiir Bayle oo Adis Ababa kaga qeyb-galay shir looga hadlayo dhameystirka Hanaanka deyn cafinta “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In