Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee isku xirka bahda caddaalada dalka oo looga hadlay dardar gelinta qorshaha horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, fulinta go’aannada maxkamadaha, la dagaallanka Dekumintiyada been-abuurka ah iyo qorshaha dib-u-habeynta arrimaha dhulka.

Kulanka oo ahaa shirkii labaad ayaa ugu horayn waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay go’aannadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee bishii hore lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen madaxda hay’adaha garsoorka, taliska booliiska, wasiirrada amniga gudaha iyo caddaaladda, maamulka gobalka Banaadir iyo hanti-dhowraha qaranka ayaa looga dooday muhiimmadda ay caddaaladu u leedahay xasilinta dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Ra’iisul wasaraaha ayaa bahda garsoorka iyo hay’adaha fulinta kula dardaarmay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hubinta iyo fulinta go’aannada maxkamadaha si bulshadu u hesho caddaalad dheelli tiran oo laga ilaaliyay laalaab iyo musuq-maasuq.

“Looma dul qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed uu garsoorka dulmane u noqdo, waa in aan bedelno dhaqankii hore. Waa in si dhab ah loo wada shaqeeyo dhinac walibana sida ugu habboon uga soo dhalaalo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran taabba gelinta nidaam-caddaaladeed Soomaalida oo dhan dan u ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa isla gartay in dhinacyada dhan ay iska kaashadaan si adeegga garsoorka loo gaarsiiyo heer muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu isku halayn karo loona helo hannaan caddaaladeed hufan oo daah furan

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay wax ka qabashada dekumintiyada been-abuurka ah ee bulshada dhibaatada xooggan ku haya iyo dardargelinta qorshaha xallinta khilaafaadka dhulalka.

Previous Post

Madaxda wasaaradda waxbarashada XFS oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In