Shirka looga hadlayo dib u eegista Barnaamijka Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo, islamarkaana laga soo saaro warmurtiyeed.
Shirka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillada 30 dowladood iyo 120 xubnood oo ka socota qeybaha Soomaalida ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa qeybihiisa hore ee maanta waxaa socon doona doodo kala duwan iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan guddiyada kulanka, waxaana diirrada lagu saarayaa dhameystirka howlaha dowladda uga harsan hiigsiga sanadka 2016-ka.
Shirka ayaa la filayaa in maanta laga soo saaro war-murtiyeed cad oo ay heshiis ku wada yihiin dhinacyada ka qeybgalaya shirka kaasoo qeexaya qorshaha lagu gaarayo 2016-ka.
Maanta ayaa lagu wadaa in shirkan lagu soo gebagebeeyo magaalada Muqdisho islmarkaana la qabto shir jaraa’id oo lagu qeexayo waxyaabaha ka soo baxa kulanka.