Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka madasha 2-aad ee Maayarrada dalka oo lagu soo xiray Muqdisho

caqiil by caqiil
May 24, 2023
in Wararka
0
Shirka madasha 2-aad ee Maayarrada dalka oo lagu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay sharaf sagootin ah u sameeyey  Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada, kuwaas oo uu u soo idlaaday shirka madasha 2-aad ee Maayarrada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo martigeliyay munaasabaddan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado ay kusoo dhaweenayeen kuna sagootinayeen Maayarrada iyo Wasiirrada ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Muqdisho lagu qabto shirka Madasha 2-aad ee Maayarada dalka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Xubno ka socday Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka oo dhankooda ka hadlay munaasabadda ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir marti-soorka iyo soo dhaweynta ay Muqdisho ugu sameeyeen wafdiga ka kala yimid gobollada dalka, iyagoo ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS marti gelinta shirka Madasha Maayarrada.

Gaba-gabadii munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka mahadceliyay munaasabadda sagootinta ee uu maamulka gobolka Banaadir u sameeyay wufuudda ka kala yimid Gobolada dalka , kuwaasi oo muddo 3 cisho Magaalada Muqdisho ugu socday shirka Madasha Maayarrada oo la isku dhaafsanayay aqoonta, Waayo-aragnimada, wada shaqeynta maamullada iyo horumarinta dowladdaha hoose.

 

Previous Post

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan

Next Post

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay Hannaanka isbadalka dib u habeynta Maaliyadda

Next Post
Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay Hannaanka isbadalka dib u habeynta Maaliyadda

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay Hannaanka isbadalka dib u habeynta Maaliyadda

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In