Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah 18 March 2021 lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ahaa mid heer Wasiir ah ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) waxaana ka qayb galay Wasiiro ka socday Wasaaradaha ku midaysan Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Boostada, Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Xafiiska Bay’ada ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Ujeedka shirka oo ahaa:

1- Isla fahmidda masraxyada/Fagaaraha wadatashi ee jira.

2- Fahmidda mashaariicda socota iyo kuwa jidka kusoo jira.

3- Isla qaadasho qaababka wadashaqeynta iyo sidii la iskaga gaashaan-buureysan lahaa. (marka la eego hey’adaha caalamiga ah ee aan la shaqeyneyno).

4- Hagidda qubaradeena ee ku aadan qaabkii ay u wadashaqeyn lahaayeen gaar ahaan mashaariicda ay tahay inaan ka wadashaqeyno.

Shirku intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka ka socda, kuwa la qorsheeyey iyo Mashaariic kale oo hadda la doonayo in la hirgaliyo.

Sidoo kalane Wasiirada ayaa shirka ka jeediyey doorka Wasaaradiisu ay ku leedahay hirgelinta Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha.

Intii uu shirku socday waxa ay Wasiiradii kasoo qeybgalay ay isla garteen in:

– In la joogteeyo shirarka noocaan ah 6 bilba mar.

– In Wasaarad waliba ay markeeda martigaliso si wada shaqeyntu u hagaagto, lana wada jaanqaado.

– In shirka dambe mashaariic qaas ah lagu gorfeeyo.

– In mashaariicda diiwaangalin loo sameeyo.

– In hay’adaha la siinayo mashaariicda la fiiriyo diiwaankooda hore lana hubiyo inta aan la siin.

Gaba gabadii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesan doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena la isku fahmay dhammaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ahaa Wasaarad kastana ay qaadato doorkeeda ku aadan.

Previous Post

Dhageysiga Dacwadda Baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya oo galabta la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In