Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah 18 March 2021 lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ahaa mid heer Wasiir ah ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) waxaana ka qayb galay Wasiiro ka socday Wasaaradaha ku midaysan Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Boostada, Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Xafiiska Bay’ada ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ujeedka shirka oo ahaa:

1- Isla fahmidda masraxyada/Fagaaraha wadatashi ee jira.

2- Fahmidda mashaariicda socota iyo kuwa jidka kusoo jira.

3- Isla qaadasho qaababka wadashaqeynta iyo sidii la iskaga gaashaan-buureysan lahaa. (marka la eego hey’adaha caalamiga ah ee aan la shaqeyneyno).

4- Hagidda qubaradeena ee ku aadan qaabkii ay u wadashaqeyn lahaayeen gaar ahaan mashaariicda ay tahay inaan ka wadashaqeyno.

Shirku intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka ka socda, kuwa la qorsheeyey iyo Mashaariic kale oo hadda la doonayo in la hirgaliyo.

Sidoo kalane Wasiirada ayaa shirka ka jeediyey doorka Wasaaradiisu ay ku leedahay hirgelinta Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha.

Intii uu shirku socday waxa ay Wasiiradii kasoo qeybgalay ay isla garteen in:

– In la joogteeyo shirarka noocaan ah 6 bilba mar.

– In Wasaarad waliba ay markeeda martigaliso si wada shaqeyntu u hagaagto, lana wada jaanqaado.

– In shirka dambe mashaariic qaas ah lagu gorfeeyo.

– In mashaariicda diiwaangalin loo sameeyo.

– In hay’adaha la siinayo mashaariicda la fiiriyo diiwaankooda hore lana hubiyo inta aan la siin.

Gaba gabadii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesan doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena la isku fahmay dhammaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ahaa Wasaarad kastana ay qaadato doorkeeda ku aadan.

Previous Post

Dhageysiga Dacwadda Baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya oo galabta la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Cumar Xasan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In