Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Qorshaha Qaran ee Isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Shirka Qorshaha Qaran ee Isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay hirgelinta qorshaha Qaran ee ka hortagga isbadalka cimilada la qaatay qaar ka mid ah Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Saaxiibada Soomaaliya ka taageera horumarinta mashaariicda, gaar ahaan arrimaha Deeganka.

Danjire Jabriil oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u yareyn lahayd saameynta isbeddelka cimilada uu ku yeeshay bulshada, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka ahayd wadamadii saxiixay go’aanadii Paris lagu gaaray sanadkii 2016 kii ee ahaa yareynta wasaqeynta hawada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Caqabadaha maanta ina horyaalla waxay u baahan yihiin in loo wajaho waxqabad wadareed, doorka deeq-bixiyayaasha iyo bahwadaagteena intuba waxay udub-dhexaad u yihiin in la gaaro horumar waara. Taageeradiina joogtada ah, khibradiina farsamo iyo ballan-qaadka maaliyadeed ayaa aas aas u ah hanaanka lagu horumarinayo cimilada iyo mudnaanta deegaanka Soomaaliya”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa xusay in shirkan Wadatashiga ah looga gol-leeyahay in la is waafajiyo dadaalada iyo aragtiyada wax ku oolla ah ee ku saleysan Qorshaha Qaran ee ka hortagga isbadalka Cimillada.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay Shabeellaha dhexe

Next Post

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Next Post
Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In