Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Qorshaha Qaran ee Isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shirka Qorshaha Qaran ee Isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay hirgelinta qorshaha Qaran ee ka hortagga isbadalka cimilada la qaatay qaar ka mid ah Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Saaxiibada Soomaaliya ka taageera horumarinta mashaariicda, gaar ahaan arrimaha Deeganka.

Danjire Jabriil oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u yareyn lahayd saameynta isbeddelka cimilada uu ku yeeshay bulshada, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka ahayd wadamadii saxiixay go’aanadii Paris lagu gaaray sanadkii 2016 kii ee ahaa yareynta wasaqeynta hawada.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

“Caqabadaha maanta ina horyaalla waxay u baahan yihiin in loo wajaho waxqabad wadareed, doorka deeq-bixiyayaasha iyo bahwadaagteena intuba waxay udub-dhexaad u yihiin in la gaaro horumar waara. Taageeradiina joogtada ah, khibradiina farsamo iyo ballan-qaadka maaliyadeed ayaa aas aas u ah hanaanka lagu horumarinayo cimilada iyo mudnaanta deegaanka Soomaaliya”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa xusay in shirkan Wadatashiga ah looga gol-leeyahay in la is waafajiyo dadaalada iyo aragtiyada wax ku oolla ah ee ku saleysan Qorshaha Qaran ee ka hortagga isbadalka Cimillada.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay Shabeellaha dhexe

Next Post

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Next Post
Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In